Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Buuxinta Kuraasta Ka bannaan Golaha Shacabka

Doorashada Boos-Buuxinta ee Golaha Shacabka ayaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ka hirgeliyay magaalada Kismaayo. Doorashadan oo uu ku guulaystay Maxamed Cabdullahi Siraaji ayaa waxay u dhacday si habsami leh.
Buuxinta kursigan ayaa guddigu wuxuu baahiyay 1dii Bisha Febraayo inay musharrixiinta u tartamaysa ku soo gudbiyaan araajiidooda muddo shan cisho ah. Waxaana shuruudaha aqbalidda araajida soo buuxiyay laba musharrax oo kala ah: Fardawsa Xuseen Maxamed iyo Maxamed Cabdullahi Siraaji. Waxaa sidoo kale soo gudbiyay waraaqaha tartanka musharrax nimada musharrax saddexaad. Wuxuuse keenay arjiga iyo codsigaba 7dii bisha Febraayo, taas oo ka dhigan inuusan u tartami karin waqtiga oo ka dhacay dartiis.
Guddigu wuxuu ku wargeliyay hoggaanka dhaqanka ee Beesha Hubeer inay doorashadu ka dhacayso hoolka doorashooyinka ee magaalada Kismaayo bisha Febraayo 15keeda 2018. Sidaa darteedna ay ku diyaar garoobaan goobta doorashada dhamaan ergadii beesha oo ah 51 ergo.
Guddigu wuxuu soo gaaray Magaalada Kismaayo 13kii Febraayo. Wuxuu la kulmay madaxda iyo maamulka dawlad goboleedka Jubaland si ay ula fududeeyaan hawlaha amniga iyo farsamada ee doorashada.
^Dawlad Goboleedka Jubbalanad ayaa si wanaagsan u soo dhawaysay guddiga. Waqtigii loogu talagalay 15kii bisha Febraayo ayay si habsami leh uga dhacday hoolka doorashooyinka ee Daawad ee magalada Kismaayo. Dadwaynaha Somaliyeed ayaa si toos ah uga daawanayaayay Telefishinnada Qaranka iyo midka Jubaland.waxaaya 50 cod ku guuleystey Maxamud Cabdulahi Siraji, halka Fardowsa Xusen aysan helin wax cod ah
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa uga mahad celinaya dhammaan intii gacan ka geysatay hirgelinta hawshan oo ay ugu horreeyaan hawl wadeennada guddiga.