Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

kulanka dhallinyarada Gaalkacyo

kulankaan ku saabsanaa sida waddanku uu ku gaari karo doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020ka waxa uu qayb ka ahaa wadatashiyadii uu GMDQ uu ka waday dalka. Waxaa ka qayb-galay dhallinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo. Dhallinyarada kulanka ka qayb qaadatay waxay isugu jireen ardada jaamacadaha iyo dugsiyada sare, kuwo xubno ka ah ururo dhallinyaro iyo huggaamiyaasha ururada dhallinyarada Gaalkacyo. Sidoo kale waxaa kulanka fadhiyay madax ay ka mid ahaayeen isku duwaha wazaaradda dhallinyarada Puntland u qaabilsan gobolka Mudug, waziiraddii hore ee haweenka Puntland, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland iyo duqa magaalada Gaalkacyo.
isku duwaha wazaaradda dhallinyarada ee gobolka Mudug mudane Maxamad Muusa waxa uu guddiga doorashooyinka uga mahadceliyay booqashadooda. Waxa uu sheegay in dhallinyarada Gaalkacyo ay diyaar u yihiin kana go’antahay in ay doorkooda siyaasadeed qaataan aysanna marti ka sii ahaan siyaasadda iyo hoggaanka dalkooda.
Dhankeeda waziiraddi hore ee wazaaradda haweenka Puntland marwo Caasha Geelle waxa ay ku dhiirri gelisay guddiga in ay sii wadaan howsha adag ee waddanka ay u hayaan ayna tix-gelin weyn siiyaan talooyinka dad weynuhu ay soo jeedinayaan.
Mr. Maxmuud Yuusuf duqa magaalada Gaalkacyo waxa uu ku baraarujiyay dhallinyarada doorka ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta waddankooda. Waxa uu intaa ku daray in sida keli ah uu waddanku ku horumari karo ay tahay in la helo dhallinyaro firfircoon oo aqoon leh jecelna waddankooda. Guddoomiyaha gobolka Mudug mudane Xasan Maxamad Khaliif dhankiisa waxa uu bogaadiyay dadaalka uu guddigu uu ugu jiro in uu dadka Soomaaliyeed kala tashado geeddi-socodka doorashooyinka dalka. Waxa uu dhallinyarada ku boorriyay in aysan fududeysan wadatashigaan guddiga doorashooyinkana ay ku biiriyaan fikrado iyo talooyin wax ku ool ah.
Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka GMDQ mudane SaydCali Sheekh Maxamad waxa uu dhallinyarada u soo bandhigay meelihii ay wadatashiyada u tageen iyo waxyaabihii ay kala soo kulmeen. Waxa uu sheegay in ay soo arkeen dad dowladdooda u heellan rabana in waddanku uu gaaro doorasho qof iyo cod ah. Ugu danbeyntii waxa uu dhallinyarada ku dhiirri geliyay in guddiga talooyin siiyaan ayna aad ula socdaan howlaha uu guddigu wado.