Ku Baahinta Dalka Hawlaha Doorashooyinka
Guddiga MDQ waxaa u qorshaysan in uu dalka ku baahiyo hawlaha doorashooyinka. Wadashaqaynta guddiga iyo madaxda dawlad goboleedyada ayaa muhiim u ah hirgelinta hawlaha doorashooyinka dalka. Guddigu wuxuu kulammo la yeeshay madaxda, siyaasiyiinta iyo waxgaradka dhammaan dawlad goboleedyada. Kulammadaas oo qayb ka ahaa u kuurgelidda sidii loo diiwaan gelin lahaa codbixiyaha doorashada.
La tashiyo ballaaran ayaa guddigu la sameeyey oo ku wajahan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha doorashooyinka, taageerada siyaasadeed iyo maaliyadeed ee doorashooyinka, wacyigelinta dadwaynaha iyo ka qayb qaadashada sugidda amniga doorashooyinka. kulammadaas Guddiga waxaa bar bar socday in uu dadwaynaha Somaliyeed uga warbixiyo hannaanka Guddigu u dhisan yahay, qorshaha istaratiijiyadeed, horumarka siyaasadeed, xarunta iyo hawladeennada guddiga. Wufuud ka socotay guddiga ayaa kulamo la qaatay madaxda dawlad goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug, Konfur galbeed iyo Puntland. Dhammaan kulammadii guddigu la qaatay ayaa ku soo dhammaaday is afgarad iyo wadashaqayn.
Waxaa guddigu dhowaan soo saarayaa talobixin ku saabsan hannaanka iyo sharciyadda ay ku wadashaqayn karaan guddiga iyo dawlad goboleedyadu iyadoo tixraacaya Dastuurka JFS iyo Sharciga guddiga ee LR 4.
Guddigu wuxuu qorshaynayaa inuu xafiisyo uu ku hawlgalo ka furo caasimaha dawlad goboleedyaada. Xafiisyada ayaa fududayn doona wadashaqaynta guddiga qaran iyo guddiyada dawlad goboleedyada ee doorashooyinka.
In kastoo ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwa amniga, haddana waxaa guddigu ku kalsoon yahay in dawlad goboleed yadu aanay ka hagran doonin wixii ay awoodaan. Waxaana ku rajawaynahay in is afgarad siyaasadeed laga gaaro caqabadaha badan kood.