Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Qorshaha Straatiijiyadda

Qorshaha Straatiijiyadda

Qorshaha istaraatiijiyadan guddiga ayaa la daahfuray 11kii Disembar 2017. Istratijiyaddan guddiga ee doorashooyinka waxaa lagu dejiyey si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya kaasoo qeexaya mabaadi’da guud ee nidaamka doorashooyinka dalka, ayadoo islamarkaana diiradda lagu saarayo qorshahan baahida dadka Soomaliyeed ay u qabaan inay helaan doorashooyin xor iyo caddaalad ah islamarkaana lagu kalsoonaan karo.

Qof kasta oo ah muwaadin Somaliyed, qaangaarna ah wuxuu xaq u leeyahay in loo diiwaan galiyo inuu cod-bixiyo, isagoo codkiisa uu ahaanayo mid sir ah una codaynaya musharixiinta u tagaan xilalka.

Qorshaha istaraatiijiyadan ayaa sidoo kale waxaa lagu saleeyey qorshaha horumarinta qaranka ee [2017- 2019] waana kii ugu hawlgal wanaagsanaa ee ay sameeyeen Guddi Doorasho. Wuxuu siinaya hogaamin istaraatiijiyadeed Barnaamijka waxqabadka Guddiga, sida ugu kooban ee lagu hanan karo hawlaha shanta sano ee soo socda.

Guddigu isagoo raacaya istaraatiijiyadaan waxaa uu awoodi doonaa inuu la yimaado Qaab-dhismeed micna leh ee muujinaya hanaanka doorashada uuna ku soo jiito indha daneeyayaasha.

Qorsho Howleedka Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

  1. Samaynta xeernidaamyaasha doorasho, xeerarka anshaxa, habraacyada iyo habmaamuuska lagama maarmaanka u ah doorashooyinka 2020ka
    1. Dib u eegista shuruucda hadda jirta
    2. Qoridda xeerarka iyo habraaca diiwaangelinta codbixiyaha
    3. Dejinta xeerarka diiwaangelinta codbixiyaha
    4. Qoridda xeerarka xisbiyada siyaasada, musharixiinta, warbaahinta iyo korjoogtada. (cayimid)
    5. Dejinta xeerka anshaxa ee xisbiyada
    6. Dejinta xeerka hagaya ololaha doorashada ee xisbiyada
    7. Dejinta habraaca hannaanka xalinta khilaafaadka doorashada.
  2. Diyaarinta hannaanka iyo habraaca xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka
    1. Dhismaha guddiga xallinta khilaafaadka
    2. Bixinta tababaro la xiriira hab raaca dhexdhexaadinta iyo doorarka “waxaa ka mid ah wakiilada musharaxiinta”
    3. Diyaarinta nidaamyada dhexdhexaadinta xisbiyada siyaasadeed
    4. La wadaagida daneeyayaasha iyo warbaahinta hanaanka dhexdhexadinta
  3. Diyaarinta iyo hirgelinta wejiga 1aad ee nidaamka diiwaan-gelinta axsaabta siyaasadeed si ay isu abaabulaan
    1. Xoojinta Waaxda diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda ee Guddiga.
    2. Aasaasidda guddiga xiriirka xisbiyada iyo Guddiga ee arrimaha geeddi socodka doorashada.
  4. Billaabidda ololaha wacyi-gelinta dadweynaha ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha
    1. Qabashada daraasadda diiwaangelinta codbixiyaha
    2. Qabashada wacyi-gelin ballaaran iyo waxbarasho madani ah oo laga hirgeliyo dhamaan dalka
    3. Diyaarinta manhajka waxbarashada codbixiyaha
    4. Diyaarinta agabka muhiimka u ah hirgelinta manhajka.
    5. Cayimidda hahwadaagta ka qayb qaadanaysa hirgelinta waxbaridda codbixiyaha
    6. Kor u qaadista aqoonta bahwadaagta ka qayb galaya waxbaridda codbixiyaha
    7. Cayimidda warbaahinta ka qayb noqonaysa ololaha waxbaridda codbixiyaha
    8. Dejinta qorshaha wacyigelinta daneeyaasha doorashada
  5. Qabasahada Doorashooyink a kuraasta ka bannaanata Golaha Shacabka
    1. Baahinta qabashada doorashada boos buuxinta.
    2. Diiwaangelinta musharrixiinta
    3. Shaacinta liiska musharrixiinta
    4. Shaacinta liiska ergada doorashada
    5. Astaynta deegaan doorashada boos buuxinta
    6. Qabashada doorashada
    7. Shahaada guddoonsiinta musharraxa soo baxa.
  6. Daraasad qiimeyn ah oo lagu sameeyo doorashada Qofiyo-Cod ah ee Soomaaliya. qaababka/tusaalayaasha
    1. Daraasad lagu sameeyo noocyada diiwaan galinta codbixiyaha (Qiimaha/waqtiga / tayada)
    2. In lala wadaago natiijada daraasada daneeyayaasha;
    3. In guddiga go’aamiyo nooca diiwaangelineed ee ku habboon dalka
    4. Xaqiijinta Dhaqaalihii laga maarmaanka u ah fulinta.
    5. Tijaabinta habka diwaan galinta codbixiyaha ee la doortay;
  7. Qabashada doorashooyin leh hal-beeg caalami ah (qof-iyo-cod) oo ay ku tartamaan axsaabta siyaasadeed
    1. Qabashada kulamo joogto ah oo ku saabsan geeddi-socodka doorashada.
    2. Dejinta Qorshaha howlgalka doorashada.

      Halkan hoose ka Dejiso adigoo ku dhufana sawirka hoose