Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

Hanaanka Doorashada

Faaqidaadda Hannaanka Doorasho ee ku Haboon Dalka

Iyadoo laga duulaya dastuurka ku meelgaarka ah iyo shuruucda kale ee la xiriira doorashada sida sharciga Gudiga Madaxa Banaan ee doorashada iyo Sharciga Xisbiyada iyo is afgaradyadii ay ku hishiiyeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, Soomaaliya waxay ku heshiisey in laga baxo nidaamka 4.5, loona gudbo nidaam doorasho qof iyo cod ah oo ku dhisan doorasho loo siman yahay oo ku dhacda si xor iyo xalaal ah, waafaqsanna nidaamyada doorasho ee caalamka.  Haddaba marka laga guuro 4.5 loona guurayo doorasho, waxaa lagama maarmaan ah in la isla qaato hannaanka doorashu ee dalku qaadanayo.

 

Waxaana jira nidaamyo doorashooyin oo kala duwan oo caalamka looga dhaqmo waxaana ugu waaweyn saddex nidaam doorasho;

  • Hanaanka ku dhisan matalaad isku dheelli tiran (proportional representation).
  • Waa nidaam doorasho oo looga dhaqmo meela badan oo aduunka ah.
  • Waa nidaam ku fiican awood qaybsiga iyo waddamada ka soo kabanaya colaadaha una gudbaya dimoqraadiyad iyo dowlad wanaagga.
  • Kii ugu cod bataa leh kursiga (First Past The Post – FPTP or the winner take all). Waa nidaam doorasho oo ku dhisan aqlabiyada ama cod-dheeri. Nidaamkani uma fiicna dowladaha ku cusub dimoqraadiyadda iyo kuwa ka soo kabanaya colaadaha oo aan lahayn hay’ado adag.
  • Nidaamka isku dhafka “Mixed Member Proportional” (MMP); waa nidaam doorasho oo looga dhaqmo dalal aduunka ka mida. Wuxuu ka koobanyahay nidaamka matalaadda (PR) iyo kan aqlabiyadda (FPTP).

Saddexda hannaan doorasho mid waliba waxaa jira faa’iidooyin iyo cilado ama dhaliilo uu leeyahay.

 

TAARIIKHDA HANNAANKA PR iyo DALKEENA

Soomaaliya Doorashooyinkii laga qabtay dhamaantood waxay ahaayeen nooca PRka Liistada Xiran:  (October 1958; March 30, 1964; March 26, 1969). Soomaaliya waa waddan ka soo kabanaya colaado, umana bisla nidaamka aqlabiyadda sidaa darteed waa muhiim in la ilaaliyo isku dheelitirka iyo matalaadda kuraasta barlamaanka.

 

HANNAANKA PR IYO DALALKA DUNIDA

Nidaamkani waa midka adduunka ugu caansan oo waxaa isticmaala 89 Dawladood oo u dhigma 46% Dawladaha xorta ah, ayna ka mid yihiin Belgum; Denmark; Finland; Greece; Hungary; Italy; Luxembourg; Norway; Russia, Spain; Sweden, Switzerland iyo kuwa kale.

Tala bixin hordhac ah oo ay soo jeediyaan kooxaha farsamo ee doorashooyinka loo xulay falanqaynta hannaanka ku habboon dalkeena, dhaliilihiisa iyo wanaaggiisa, waxay ku talinayaan in laga fakaro nidaamka ugu habboon dalkeena iyadoo la dhowrayo marxaladda dalkeenna iyo awoodda hay’adaha uu ku taagantahay. Waxayna guddiyadu farta ku fiiqeen in nooca doorasho ee dalku qaadanayo lagu sii sameeyo daraasad dheeraad ah haddii uu noqonayo nidaamka matalaadda dheelitiran (PR) iyo listada xiran (Closed list)