Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Gudoomiyaha GMDQ ayaa shir looga hadlaayo diyaargarowga diiwaangelinta codbixiyaha shir gudoomisey

Gudoomiyaha GMDQ ayaa shir looga hadlaayo diyaargarowga diiwaangelinta codbixiyaha shir gudoomisey

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xalimo Ismacil ayaa maanta shir gudoomisay shir gaar ah oo looga hadlayay diyaargarowga hawlaha diiwaangalinta codbixiyeyaasha.


Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay inta badan hay’adaha tageera Doorashooyinka, xubno kasocday safaaradaha beesha caalamka
Guddiga Doorashooyinka ayaa shirka ku soo bandhigay nooca diiwangalinta codbixiyaha ee Guddigu go’aamiyay kasoo si faafaahsan shirka loogu falanqeeyay.
Dhamaan xubnihii beesha caalamka ee shirka ka qaybgalay ayaa soo dhaweeyay nooca diiwangalineed ee uu Guddiga Doorashadu go’aamiyay iyagoo sheegay in diyaar u yihiin in ay tageeraan fulinta diiwangalinta codbixiyaha.