Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

Guddiga Masaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) oo u soo xermay tababar

Guddiga Masaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) oo u soo xermay tababar

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooynka Qaranka (GMDQ) u soo xermay tababar soconayay 29-30 April 2019, kuna saabsan isku dheelitirka jinsiga ee doorashooyinka 2020.

Tababarkaan ay soo qaban-qaabisay hay’ada caalamiga ee Folke Bernadotte Academy (FBA), fadhigeeduna yahay Sando- Stockholm, Sweden, kana shaqaysa arimaha nabada, amniga & horumarka, ayaa waxay ka caawinaysaa GMDQ inay kor u qaado aqoonta ku aadan isku dheelitirka jinsiga ee doorashooyinka 2020.

Andreas Vexhull, safiirka Sweden u fadhiya Soomaliya oo kasoo qayb galay kulanka ayaa u sheegay in GMDQ ay la garab taagan yihiin marwalba wixii caawimaad ah ay aga baahdaan.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay kulan ka gabdha ka socday labada aqal oo ka qayb qaatay kulanka, suaalo ku saabsan sinaanta jinsigana ee labada aqal.

Gabagabadii, gudoomiyaha GMDQ Marwo Xalima Ismacil waxay u Mahad celisay dhamaan kasoo qayb galayaasha kulanka iyo FBA- Sweden.