Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Dhisidda kalsoonida Nidaamka Doorashooyinka

Dhisidda kalsoonida Nidaamka Doorashooyinka

Aqoon Kororsi Socday 22-23 April 2019, Guddiga Madaxabanaan Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.
GMDQ ayaa waxaa casharo siiyay Khabiir Doorashooyinka Mr. Judge Kriegler, guddoomiyihii hore Guddigii doorashooyinka South Africa 1994, taasoo xiligii ugu adkaa ay ku jirtay South Africa.
GMDQ oo u diyaar garoobaya qabashada doorasho 2020, nidaamka xisbiyada badan ayaa waxaa si qoto dheer loo ga hadlay suaalana lagu waydiiyay khabiirka dhisida kalsoonida nidaamka doorasho, daacdnimada qabashada doorashada iyo xalinta khilaafaadka doorashiiyinka, si loo helo tiir kalsooni ay ku wada qanci karaan dhamaan xisbiyada tartamaya kan ku guulaysta iyo kan laga guulaystaba.
Xisbiga ku guulaysta doorashada si uu kalsooni ugu qabo in uu ku soo baxay si cadaalad ah, kan looga guulaystana uu ku qanco in doorahshada loo maamulay si cadaalad ah.
GMDQ ayaa labadan sano xooga saaraya sidii loo xoojin lahaa kartida xubnaha guddiga iyo shaqaalahiisaba si ay si buuxda ugu diyaar garoobaan qabashada doorashada 2020.
Dhamaadkii kulanka Guddoomiyaha GMDQ Marwo Xaliima Ismaaciil waxay u Mahad celisay Mr. Judge Kriegler iyo Hay’ada soo qabanqaabisay kulankaan IESG, hay’ada u qaabilsan UN ka arimaha doorashooyinka.