Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

Kulan dhexmaray Guddiga MDQ iyo ra’iisul wasaaraha XFS

Kulan dhexmaray Guddiga MDQ iyo ra’iisul wasaaraha XFS

Ras’iisul wasaaraha XFS ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu ku qaabilay 6 xubnood oo ka tirsan Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xoghayaha Guud. Guddiga ayaa kala hadlay XFS howlaha hortabinta u leh hirgelinta doorashooyinka dalka oo ay ugu horreyso ansixinta sharciga doorashooyinka iyo sugidda amniga. Waxaa sidoo kale guddigu faahfaahiyay baahida loo qabo xaqiijinta miisaaniyadda doorashada. Xog waraysi ka dib; ra’iisal wasaaraha XFS ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay ka dhabaynta doorka xukuumadda uga aadan doorashooyinka 2020.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay guddiga adkaysiga iyo dulqaadka ay u muujiyeen culayska howlaha doorashoyinka. Gabagabadii guddiga ayaa caddeeyey in sannadka 2019 mudnaanta siinayaan u diyaargarawga diiwaangelinta iyo wacyigelinta codbixiyaha sidoo kalena ay gaarsiiyaan dalka oo dhan xafiisyada guddiga ee heer D/goboleed.