Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 616 385 278

Guddoomiyaha GMDQ oo ka qayb qaadatay korjoogtaynta doorashooyinka dalka Nigeria.

Guddoomiyaha GMDQ oo ka qayb qaadatay korjoogtaynta doorashooyinka dalka Nigeria.

Guddoomiyaha oo dhawaanahanba ku sugneyd Nigeria ayaa qayb ka ah hawl-galka korjoogteynta doorashooyinka ee Midowga Afrika.Ka sokow inay guddoomiyaha iyo wafdigeedu ay qeyb ka yihiin hawl galka Midowga Afrika ee korjoogteynaya doorashada dalka ugu dadka badan Afrika, waxaa sidoo kale arrintan guddoomiyaha iyo wafdigeeda ay u tahay fursad ay ku soo kororsadaan waaya aragnimo u fududeysa inay ka soo baxaan waajibka loo igmaday oo ah inay Soomaaliya ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah 2020ka.


Waxyaabaha sida gaarka ah muhiiimadda ugu lahaa wafdiga GMDQ waxaa ka mid ahaa diyaarinta iyo daabulidda agabka doorashada, sugidda amniga goobaha doorashada, tababaridda hawl-wadeennada KMG ah ee goobaha cod-bixinta iyo sidoo kale wada-shaqeynta Guddiga iyo daneeyayaasha.
Korjoogayaasha ayaa la filayaa inay warbixin dhameystiran kasoo saaraan sidii ay u dhacday doorashooyinka Nigeria.