Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannan ee Doorashooyinka Soomaaliya oo kulan la qaadatay Guddomiyaha Guddiga Madaxbannan ee Doorashooyinka Nigeria

Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannan ee Doorashooyinka Soomaaliya oo kulan la qaadatay Guddomiyaha Guddiga Madaxbannan ee Doorashooyinka Nigeria

Waxaa magaalada Abuja ee caasimada dalka Nigeria kulan gaar ah uu ku dhexmaray Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinak Soomaaliya Xalimo Ismacil iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Nigeria Prof: Mohmood Yakubu. labadan Guddoomiye ayaa kuwada hadlay heerka qabanqaanada doorashooyinka guud ee la filiyo in maalinimada sabtida ah ay ka dhacaan dalka Nigeria tasoo dib u dhac uu kuyimid horaantii isbuucii hore kadib markii Guddiga Doorashada Nigeria ay sheegeen in u jiro gaabis dhanka farsamado ah. Guddoomiyaha Guddiga Nigeria ayaa xaqiijiyay in ay kalsooni badan ku qabaan in doorashadu ay siwanaagsan u dhacdo islamarkaan ay xiriir wadashaqeyn oo joogto ah ay la leeyihiin dhamaan daneeyeyaasha doorashada iyo axsaabta ku tartamaysa doorashada.


Waxaa sidoo kale kulanka la iskula soo qaaday sdii labada Guddi ay u yeelan lahayeen wadashaqeyn joogta ah u tasoo lagu wadagaayo khibradaha iyo aqoonta gaar ahaana soomaaliya ay ka faa’iideysato khibradda aqooneed ee Guddiga Nigeria ee INIEC, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Nigeria Prof: Mohamood Yakubu aya soo dhaweeyay iskaashi ay yeeshan labada Guddi isagoo sheegay in ay arrintan ay kusoo aadeyso waqti dalka Nigeria uu safiir u magacowday dalka Somaliya horaantii bishan tasoo wax weryn katari doonta isku furnaashaha iskaashi ee labada dal.
Guddomiye Prof: Yakubu ayaa Guddomiye Xalimo socod kormeer ah kusoo marsiiyay dhamaan xafiisyada iyo xarumaha hawlgalka ee xarunta dhexe ee Guddiga INEC oo ay kasocdeen qabanqaanada hawlaha Doorashada dhamaan dalka Nigeria.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya ayaa baryan ku sugneyd magaalada Abuja ee Dalka Nigeria iyadoo qayb ka ah Komeerayaasha caalamiga ah gaar ahaana hawlgalka korjoogtenta Midowga Afrika ee ka qaybgalaya korjooteynta sida ay u socodaana hawlaha doorashooyinka iyagoo kormeerayshaan caalamiga ah ay kulamo xiriir ah la lahaayeen maalmihii udambeeyay qaybaha kaladuwan ee lugta kuleh doorashada sida xisbiyada siyaasada, saxaafadda, bulshada rayidka, hay’adaha amniga ee u xilsaaran nabadgalyada doorashada.
Waxaa maalinta Sabtida ah dalka Nigeria looga dareeri doonaa xarumaha codbixinta iyadoo siweyn looga dareemayo diyaargarowga doorashada guud ahaan dalkan, doorashadan ayaa dadka reer Nigeria ay u codeyn doonaan xubnaha baarlamaanka iyo qofka noqonaya madaxweynaha dalka oo ay ku hardamayaan axsaab aad u tiro badan.
Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa si dhaw isha ugu hayn doona sida ay doorashadu u dhacdo iyadoo in kabadan toban kun oo kormeerayaal isugu jira kuwa gudaha iyo caalami ah ay ku kala faafsanyihiin dhamaan dalka si ay u korjoogteeyaan sida codbixintu dhici doonto sabtida.