Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 612 868 294

4 xisbi KMG ah oo shahaadada xisbinnimo la gudoonsiiyey

4 xisbi KMG ah oo shahaadada xisbinnimo la gudoonsiiyey

Maanta oo taariikhdu tahay 18 Febraayo waxaa shahaadada diiwaan gelinta KMG la gudoonsiiyey 4 xisbi. Xisbiyada maanta shahaadada helay ayaa waxay kala yihiin,

  • xisbiga Midowga Qaranka somaliyed
  • Xisbiga Isbaheysiga Somaliyed
  • Xisbiga siyaasada Dhalinyada Somaliyed
  • Xisbiga Aayaha Shacabka Somaliyeed


Furitaanka munaasabadda oo ka dhacday xarunta Guddiga ee Muqdisho waxaa ka hadley diiwaangeliyaha xisbiyada Maxamed Maxamud Xasan oo faahfaahin ka bixiyay nidaamka ay marto diiwaan gelinta KMG ee xisbiyada iyo caqabadaha lagala kulmo marka la diiwaangelinaayo xisbiyada taasna looga gudbi karo in ay u hogaansamaan sharciga loo maro diiwaangelinta.
Waxaa sidoo kale goobjoog ku ahaa goobta munaasabada shahaado gudoonsiinta ka socotay madaxda Guddiga iyo saxaafada.
Cabdiraxman Cusman Dirir iyo Maxamed Xasan Taani oo ka mid ah xubnaha GMDQ ayaa si wadajir ah u gudoonsiiyey shahaadada.
Afarta xisbi ee maanta shahaadada diiwaan gelinta KMG helay ayaa ku biiraya 35 xisbi oo hore loo duiwaan geliyay.
Xafiiska xisbiyada ayaa sii wadi doono diiwaangelinta xisbiga sida kumeelgaarka ah loo diiwaangelinaato inta laga gaarayo diiwaangelinta rasmiga ah.

Halkan ka eeg taxa xisbiyada la diiwaangeliyey

Xisbiyada la Diiwaangeshay