Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Guddoomiyaha GMDQ oo shir guddoomisay gabagabadii shirkii 3aad ee Guddiyada Doorashooyinka Carabta

Guddoomiyaha GMDQ  oo shir guddoomisay gabagabadii shirkii 3aad ee Guddiyada Doorashooyinka Carabta

Marwo Xaliimo Ismaaciil, guddoomiyaha GMDQ iyo xubno kale ayaa ka qeyb-galay shirka 3aad ee Guddiyada Doorashooyinka Carabta, 3-5 Febraayo 2019, 3dii beri ee la soo dhaafay ka socday magaalada Cammaan ee caasimadda dalka Urdun, Marwo Xaliimo ayaa shir guddoomisay gabagabada kulankaas oo lagu falanqaynayay cabashooyinka dacwadaha ka dhasha doorashooyinka ee la xiriira isu dheelli tirka jinsiga. Doodan ay hogaanka u ahayd guddoomiye Xaliimo ayaa ka qeyb-galayaashu waxay uga doodeen siyaabaha loogu dhiirri gelin karo haweenka in ay raadsadaan xuquuqa hooda xilliga doorashada iyaga oo maraya nidaamka sharciga ee la xiriira dacwadaha iyo racfaannada doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale si qoto dheer loogu lafa-guray sidii hay’adaha doorashooyinku ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda haweenka ee doorashooyinka waxna looga qaban lahaa cabashooyinkooda.
Shirkaan oo soo xirmay maanta 5ta Febraayo ayuu GMDQ kala soo noqon doonaa xiriirro, xirfado iyo waaya aragnimo u fududeyn doona ka soo dhalaalidda waajibkooda dastuuriga ah