Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 616 385 278

Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Maxamed oo shahaadadda xildhibaannimo la guddoonsiiyay

Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Maxamed oo shahaadadda xildhibaannimo la guddoonsiiyay

Taariikhdu markey aheyd 2/02/2019 waxaa xarunta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka lagu gudoonsiyey shahaadada xildhibaannimo, xildhibaan Cabdulaahi Skeekh Maxamed
Xildhibaanka ayaa ku soo guuleystey tartan doorasho oo ka dhacey magaalada Baydhabo 28/01/2019 ee uu kula tartamey musharaxiinta kala ahaa, Isack Khaliif Sheikh, C/kadir Sheikh Maxamed Nuur iyo Xasan Macalin Ibrahim. Xildhibaan Cabdulahi Sheekh Maxamed ayaa ku guuleystey 35cod, halka Isack Khaliif Sheekh uu helay 4 Cod, C/kadir Sheikh Maxamed Nur 2 cod iyo Xasan Macalin Ibrahim eber (0) cod waxaa halaabey 1 cod waxaana codeynin 2 cod, guud ahaan ergada codeysay waxay ahaayeen 42 ergo.
Doorashadan kursi buuxinta ah ee uu ku guuleystay xildhibaanka maanta shahaadada la siiyay ka sokow, GMDQ ayaa horey u soo qabtey 6 kursi oo kale oo ka banaanaa golaha shacabka BFS.