Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 616 385 278

GMDQ oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

GMDQ oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20/01/2019 Kula kulmey madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Laftagareen.
Gudoomiyaha GMDQ Marwo Xaliimo Ismaciil Iyo xubnaha Guddiga ayaa kala hadley Madaxweynaha Koonfur Galbeed howlaha shaqo ay u yimaadeen Baydhabo,waxayna uga warameen ujeedooyinkooda shaqo.
Madaxweynaha KG Cabdicasiis Laftagareen ayaa Soo dhaweeyey waxqabadka Guddiga iyo ujeedooyinkooda shaqo oo ay ku yimaadeen magaalada Baydhabo, wuxuuna u ogolaadey kuna dhiirageliyey xafiiska Guddiga uu ka furanayo Baydhabo,sidoo kale Wuxuu ku Soo dhaweeyey magaalada Baydhabo.
GMDQ ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka furtaan xafiis, qabashada Siminaar wacyigalin ah iyo doorashada boos buuxin laba kursi degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.