Sabti – Khamiis: 8:00s – 3:00g | Jimcaha: fasax
+252 616 385 278

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Baydhabo.

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Baydhabo.

Wafdi ka socoda GMDQ oo ay huggaamineyso guddoomiye Xaliimo Ismaaciil oo isugu jira xubno Guddi iyo hawl-wadeenno ayaa maanta 19ka Jannaayo gaaray Baydhabo. Inta ay Baydhabo joogaan wafdigan waxay ka qaban doonaan hawlo dhowr oo ay ka mid yihiin furitaanka xafiis goboleedka Guddiga ee KGS iyo shaqaaleysiinta hawl-wadeennnada xafiiska, doorasho boos buuxin ah iyo aqoon-is-weydaarsiyo.