Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa magaalada Muqdisho ee Villa Somalia.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa magaalada Muqdisho ee Villa Somalia.

Talaado Nofembar 27, 2018, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa magaalada Muqdisho ee Villa Somalia. Shirkan jaraa’id oo ay ka soo qayb galeen xubnaha guddiga iyo bahda saxaafadda ayaa guddigu wuxuu ku soo bandhigay xoghaya guud ee guddiga ee dhawaan loo qaatay jagadan.
Guddoomiyaha Guddiga ayaa ku dhawaaqday in loo qaatay jagadan: Mudane Abdirizak Bashir Mohamed. Waxayna sidoo kale ka hadashay hannaankii loo soo maray xulidda xoghayaha guddiga.

Xoghayan cusub ayaa horay guddiga ula soo shaqeeyay isagoo ahaa lataliye. Guddoomiyaha ayaa dardaaran ku siisay xubnaha guddiga iyo shaqaalaha inay si dhow ula shaqeeyaan xoghayaha.
Guddiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay u dallacsiiyeen Mudane: Abdinasir Mohamed Xirsi inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Sharciyada ee Guddiga isaga oo horey u ahaa Maareeyaha xafiiska diiwaangelinta xisbiyada ee Guddiga.
Ugu dambayntii; Gudoomiyaha guddiga ayaa u Mahad celisay dowlad goboleedyada, xukuumada DFS, Golayaaasha labada aqal iyada oo u dirtay fariin ah in GMDQ uu yahay guddi dhexdhexaad ah, cadaalad iyo sinaana ay ugu wada adeegayaan dhamaan umada Soomaliyeed.