Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Shirka xogwareysiga doorka Xisbiyada Siyaasada ee Doorashada

Shirka xogwareysiga doorka Xisbiyada Siyaasada ee Doorashada

Xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxaa ku qabsoomey shir ku saabsan xog wareysi la xariira doorka xisbiyada siyaasada ee Doorashada.

Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxaa ka soo qeybgaley xubno matalaayey shan iyo tobanka urur siyaasadeed ee horey loo gudoonsiiyey shahaadada kumeelgaarka ah ee diwaangelinta xisbiyada.

Shirka furitaankiisa waxaa ka hadley gudoomiyaha GMDQ, Xaliimo Ismacil Ibrahim iyada oo qeexday ujeedada shirka iyo waxyaabaha looga baahan yahay xisbiyada siyaasada.

Gudoomiye Xaliimo waxay si faahfaahsan uga hadashey muhiimada ay leedahay in ururada siyaasada is abaabulaan ismarkaana sameestaana xeer nidaamiyaha iyo sharci hoosaadka xisbi kasta uu leeyahay si uu u dhameystirmo dhismihiisa. Waxay kaloo ay xustey sida looga baahan yahay in xisbiyada siyaasada iyo Guddiga u yeeshaan wada shaqeyn joogta ah si Guddiga gacan uga geesto kor u qaadida tayada xisbiyadda.

Gudoomiye ku xigeenka GMDQ Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu si qoto dheer ah uga Hadley muhiimada xisbiyada siyaasada iyo qaabka ay uga bixi karaan ku meelgaarnimada si ay ugu diyaargaroobaan howlada horyaalo ee la xariira xisbiyadda.

Gudoomiye ku- xigeenka wuxuu faahfaahin ka bixiyey nuxurka heshiiskii lagu soo gaarey Baydhao iyo doorka ay ku leeyihiin xisbiyadda meelmarintiisa.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadley xubin ka mid ah Guddiga Saciid Warsame Xaashi oo ka bixiyey faahfaahin howlaha horyaalo xisbiyada gaar ahaan sida ugu haboon ay ku buuxin karaan sharuudaha la xariira diiwaangelinta dhameystiran.
Wuxuu kaloo Commissioner Saciid sheegay muhiimada uu lahaa goaanada ka soo baxay shirka Baydhabo iyo inuu fursad u siinaayo ururada siyaasada iyo Ummada Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan doorasho ka dhacda dalka 2020 ee cod iyo qof ah. Wuxuu xusay in xisbiyadda siyaasada lafdhabar u yihiin dhisida kalsoonida shacabka ee k u aadan in dalkaan doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhici karto.

Dhinaca kale waxaa shirka ka Hadley Madaxa hayada Electoral Instituate for Sustainable Democracy in Africa (EISA) Mr Justin Dova Gore, wuxuu ka Hadley muhiimada ay leedahay in xisbiyada siyaasada ay noqdaan kuwa ay u dhameystiran yihiin sharuucda iyo xeerarka ay ku dhaqmi lahaayeen isla markaasina leh hadaf iyo mabda”a ay ku soo jiidan karaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo sheegay doorka Hay’adiisa ee howlaha doorashooyinka iyo kaalinta uu ka qaadan karo taabagalinta howlaha ururada siyaasada, isagoo kaashanaayo kana tilmaaman qaadanaayo Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka.

Intaas ka dib xubnaha Guddiga Siyaasada waxay fursad u heleen inay Guddiga weydiiyaan waxyaabaha ay uu baahnaayeen in loo cadeeyo, iyagoo codsadey in ay ka helaan Guddiga siminaaro ku saabsan kor u qaadida howlahooda shaqo.
Xeritaanka shirka waxaa ka hadashay Gudoomiyaha GMDQ Marwo Xaliimo Ismacil oo ku wargelisay Xisbiyadda siyaasada in la soo kormeeri doono todobaadka dambe dhamaan xisbiyada la siiyey shahaadada kumeelgaarka ah, xisbigii laga waayo sharuudaha xafiis walbo waxaa loo sheegay in lagala laaban doono shahaadadii la siiyey.

Waxaana lagu balamey in kulamada Guddiga iyo Xisbiyada uu joogto ahaan doono.