Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wafdi ka socda Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa xalay soo gaaray 15,03,2018  dalka Kenya caasimadiisa Nairobi,

wafdiga ay hor ka cayaan Xubno Guddiga ka tirsan Xussen Cabdi iyo Maxamed Dahir.
Wafdiga ayaa saakay la kulmay sii hayaha safiirka ee safaaradda Nayroobi, iyo hogaamiyayaasha bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Jaaliyada, Guddoomiyaha Haweenka, Guddoomiyaha dhalinyarada iyo xubno kale oo muhim ah.
Ujeedada kulankaas ayaa ahayd wafdiga inuu u gudbiyo masuuliyiintaas muhimada ay halkan u yimaadeen oo ah inay la kulmaan bulshada Soomaliyeed ee ku nool Kenya si looga talagaliyo geedisocodka doorashooyinka qof iyo cod ee 2020 ka dhici doonta dalka hooyo (Somaliya), wadatashigan oo horay uga soo qabteen GMDQ dalka gudahiisa iyo dibadiisaba ayuu ku soo gaba-gabeyn doonaa kulamada iyo wadatashiyada Nairobi ka dhacaya.
GMDQ oo soo maray meela badan oo gudo iyo dibadba leh ayaa waxay soo aruurinayeen caqabadaha ka hor imaan kara doorasho qof iyo cod ah inay ka dhacdo dalka iyo wixii ay xal u arkaan ummada Soomaliyeed in looga gudbi karo caqabadahaas.
Bulshada Soomaliyeed kan ku nool guddaha dalka iyo kan ku nool dibadiisaba waxay ka sinaayeen in loobaahan yahay doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda qof iyo cod si loo helo dowlad ku timaada rabitaanka shacab ka iyadoo qof ma talaysa jirin.
Bulshada waxay soo bandhigeen caqabadaha guud iyo kuwa gaarka ah ee deegaan kasta uu lee yahay, iyo talooyinkooda ku aadan xalka. Taasoo guddiga u bandhigi doono kulan ka u horeeya ee isagu imaan doonaan madaxda dalka si ay wax aga qabtaan caqabadahaas.