Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Degmada Baraawe oo Gudiga Doorashada Qaran ku qabtey Kulan la Tashi ah

Waxaa Magaalada Baraawe Gaarey Gudiga Doorashooyinka Qaran oo ay Hogaamineysey Gudoomiyaha Gudigaas waxaana Garoonka Diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyey Madaxda Degmada Baraawe iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku Nool Magaaladaas .
Ujeedka Booqashada ayaa ahaa sidii Dadka ku nool Magaalada Baraawe lagala tashan lahaa Qaabka Doorashada qof iyo Cod ee Sannadka 2020, wuxuuna Kulankaa la tashiga uu daba socdaa Kulamo maalmahaan uu Gudiga Doorashada Qaran uu la yeelanay Bulshada ku nool Gobolada iyo Degmopoyinka Dalka.
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Soomaalieed Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo ka hadashey Kulankaas la tashihga ahaa ayaa waxay sheegtey in Ujeedka Kulanka uu yahay sidii Dadweynaha ku Nool Magaalada Baraawe ay u soo Gudbin lahaayeen Aaraadoda ku saabsan Doorashada sannadka 2020 ee ka dhici doonta dalka Soomaaliya waxay sii raacisey Xaliimo Yareey
“Waxaa idiin soo jeedinayaa in aad ka faaideysataan Casharada la qaadanayo sidoo kale waxaan idiin ku baaqayaa in aad ku biirisaan Fikirkiina ku aadan Doorashada Soomaaliya ee qof iyo Cod”
Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose Aadan Cumar Madaoobe oo ka Hadley Kulankas la tashiga ah ayaa waxaa uu u Mahadceliyey Gudiga Qaranka ee Doorashooyinka Soomaaliya isagoo Hoosta ka xariiqey in Imaanshaha Gudiga Doorashada ay astaan iyo yadidiilo u tahay Doorashao dhacda dalka Soomaaliya sannadka 2020
Waxaa kaloo Kulankaas ka Hadley Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf waxaana uu yiri”waxaa Faraxad nooga in Soomaliya ay ku talaabsaneyso Horumar maadaama loo diyaargaroobayo doorasho qof iyo Cod sidaa darteEd waxaan u Mahadcelinayaa Gudiga Doorashada Qaran oo Dadaal ugu jira Doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya isagoo Carabka ku adkeeyey in ay Faraxad tahay in Somaaliya ay ka Gudubka Habka qabiilka loona Gudbo Habka Xisbiyada Badan
Taliyaha Ciidamada Xooga ee Baraawe oo ka Hadley Kulankaa la tashiga ah ayaa waxaa uu sheegey in Ciidamada Qaranka ay Diyaar u yihiin sidii Nabad loogu soo Dabaali lahaa Dalka maadaama loo Diyaar Garoobayo Doorasho qof iyo Cod isagoo sheegey in arrintaaa s ay ku imaan karto Shacabka iyo Ciidamada oo iskaashada
Aamina Cali Siidow oo ah Gudomiyaha Haweenka Degmada Baraawe oo ka hadshey Madasha la tashiga ayaa u Mahadcelisey Gudiga Qaranka ee Doorashooyina waxaya carabka ku Balaarisey in ay Haween ahaan ay Diyaar u yihiin in Doorasho Xalaal ah ay ka dhacdo Deegaanada Hoos yimaada degmada Baraawe
Nabadoon Cabduqaadir Abuukar Gameele oo ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu yiri “Xaliimo yareey waxaa tahay qofkii ugu horeeyey oo ka socda Qaranka Soomaaliya ee yimaada Degmada Baraawe marka waxaan Ilaah kaaga baryayaa in uu kuula garab galo Howsha Baaxada leha ee Doorasho qof iyo Cod
Nabadoon Cabdirashid Cali Geele (Daarood) oo ka mid ahaa dadkii halkaas ka Hadley ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in Dadka Soomaaliyeed ay Sugan karaan Amnigooda sida darteed waxaa aad u soo dhaweynayaa Dadaalka Gudiga Doorashada waxaana uu sheegey incaqabadaha Taagan looga Gudbi karaa Isku Duubnaan iyo watashi
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa hore u tagey Magaalooyinka Baydhabo, Xudur, Kismaayo, Garbahaareey, Dolow, Jowhar, Cadaado iyo Baraawe waxaana u Qorsheysan in ay tagaan Magaalooyin kale si Bulshada wax looga weydiiyey Arimaha Doorashada