Sat – Thurs: 8:00am – 3:00pm | Fri: closed
+252 616 385 278

shir jaraid oo ay ku qabatey magaalada Jowhar GMDQ Xaliimo Yareey

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GDMDQ) ayaa magaalada Jowhar kaga dhowaaqay in la bilaabayo qabashada araajida musharaxiinta u tartamaysa doorashada kursi ka mid kuraasta Golaha Shacabka.
GDMDQ Xaliimo Ismaaciil ayaa gaartay magaalada Jowhar waxayna shir jaraa’id ay ku qabatay magaalada Jowhar waxa ay ku sheegtay in laga bilaabo 3da bisha Janaayo 2018 ay soo gudbin karaan musharaxiinta u tartamaysa kuraaska ka banana Golaha shacabka.
“Laga bilaabo maanta oo ah 3-da bisha Janaayo sanadka 2018 waxaa la bilaabay qabashada araajida musharaxiinta.”ayay tiri Marwo Xaliimo Yarey guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaran.
Musharax walba waxaa laga doonayaa inuu u soo gudbiyo guddiga doorashooyinka arjiga ka qeybgalka doorashada waxaana laga doonayaa musharaxiinta ragga ah, 5,000 oo dollar musharaxa dumarka ahna $2,500.araajidoodana waxay ku hagaajin karaan xafiiska Guddiga oo ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Villa Somalia.