Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Weli waxaa ka socda magaalada Jowhar kulamada wadatashiga ee doorashada 2020

Odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka ku nool magaalada Jowhar ee Dowlad goboleedka Hirshabeele iyo Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka ayaa 2-Janaayo- 2018 wada yeeshay wadatashi ku aadan doorashada 2020. Furitaanka Wadatashigu waxaa hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyey wasiirka arrimaha gudaha iyo dowlada Hoose Maxamed Cali Caadlle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismacil oo ka hadashey furitaanka wadatashiga ayaa u sheegtey waxgaradka iyo odayaasha magaalada jowhar in ay nasiib u yeesheen ka qeybgalka madasha nabadeenta oo ay odayaasha u fadhiyeen, waxayna kula dardaarantey inay u istaagaan adkeynta nabada.
Waxayna Gudoomiye Xaliimo ku tiri waxgaradka iyo odayaasha magaalada Jowhar “Soomaaliya waa dhulka ugu taajirsan aduunyada, waxaase idinkula dardaarmayaa inaad nabada xooga saartaan, oo aad soo celisaan nabadii iyo quruxdii ay laheyd Gobolka Shabeelaha Dhexe”

Wadashadiga doorashada 2020 oo ah waxqabad ku cusub dalka Soomaaliya ayaa waxay sababtey in dooduhu ay noqdaan kuwa ay dadku ku kala aragti duwanaadaan hanaanka qabsoomida doorashada 2020.
Suldaan Axmed Rashiid oo ah suldaanka beesha jareer weyne oo ka qeybgaley wadatashiga doorashada 2020 ayaa odayaasha iyo waxgaradka beeshiisa ku yiri. “hadii aynu nahay beesha jareerweyne waxaa nalagu tilmaamey inaan nahay nus ilaa nalo aqoonsado inaan nahay dad hela xaquuqda qabiilada kale doorasho kama qeybgaleyno, magaaladeenana wax sanduuq doorasho la dhigo karo ma jiraan.
Dadka Soomaaliyeed oo aan faham badan ka heysan nidaamka doorashada qof iyo cod, ayaa waxaa faahfaahin arrimahaas ku saabsan ka jeedisey kulanka wadatashiga Khadiijo cosoble Cal oo ah xubin ka mid ah Guddiga, waxayna u sheegtey  Khadiijo in wadatashigan inuu salka ku haayo sidii dadweynaha ay uga arinsan lahaayeen aayahooda, ayna codkooda ku dooraan lahaayeen qofkey rabaan oo ay berri la xisaabtami karaan.lagana doonaayo inay fekerkooda si sax ah uga baxsadaan, sheegaana habka ugu fudud ee looga gudbi karo qeybsiga nidaamka 4.5. loona gudbo doorasho qof iyo cod ah.
Gabagabadii waxaa soo xertey kulanka wadatashiga ee doorashooyinka Gudoomiye Xaliimo, waxayna u sheegtey dadkii ka soo qeybgaley wadatashiga doorashada arrimaha ku saabsan xisbiyada, waxayna tiri. “Xisbiyada hada aan sheegney maahan xisbiyo rasmi ah ee waa xisbiyo ku meelgaar ah, xafiiska diiwaangelinta xisbiyada waa uu furan yahay, cid walboo rabto inay sameesato xisbi siyaasadeed waa iska soo diiwaangelin karaan” Kulamada wadatashiga doorashooyinka ayaa waxaa loo soo qabtey dadyoow badan iyo siyaasiyiin ku kala sugan gobolada dalka qaar, welina waa uu socdaa waxaana lagu baahin doonaa guud ahaan gobolada dalka oo dhan si dadweynaha ay uga arrinsadaan aayahooda siyaasadeed ee dalka lagu dhaqi doono.