Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Gudiga Madaxbanaan Doorashooyinka Qaranka ayaa si ku meelgaar ah u diiwaangeliyey todobo xisbi siyaasadeed

 Munaasabaddii maanta sida ku-meel-gaarka ah loogu diiwaan galiyay xisbiyada todobada ah ayaa ka dhacey magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed, Xildhibaanada Baarlamaanka ee labada Aqal,bulshada Rayidka, dhalinyarada, iyo ururada siyaasadeed.

Xaflada waxaa sidoo kale ku sugnaa Gudoomiyeyaalka Xisbiyada la diiwaangeliyey ee la gudoonsiinaayey shahaado sharciyeysan ee ku meelgaar ah ee kala ah:-

1 Xisbiya Garsoor (X.G)

2 Xisbiga Midnimada iyo Dimuqradiyadda (UDP)

3 Xisbiga Ummada Soomaaliyeed (XUS)

4 Xisbiga Qaranka ee Dimuqradiyada (NDP)

5 Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed (URSP)

6 Xisbiga Horumarinta (DP)

7 Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed (SSUP)

  1. Waxaa furitaanka xaflada hadalo soo dhaweyn iyo mahadnaq ka jeediyey Gudoomiye ku xigeynka Gudiga Madaxbanaan Doorashooyinka Qaranka Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuuna sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, wuxuuna ku soo dhaweeyey qof walboo ka soo qeybgaley munaasabadaan quruxda badan leh, wuxuuna baaq fariin ah  u direy xisbiyada siyaasada waxa looga baahan yahay iyo markey xadgubaan waxyaabaha ay la kulmi karaan ee u degsan sharuucda dalka.

    Gudoomiyaha Guddiga MadaxBanaan Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ibrahim Ismacil ayaa ka warbixisey  caqabadaha horyaal  iyo guulaha ay gaareyn GMDQ, waxay kaloo sheegtey sideed tiir ee lagu guuleysan karo doorashada guud ee ka dhici doono dalka 2020 kuwaasoo kala, In dadka ay u diyaarsan yihiin hanaan  Doorasho

     

    Waa inuu degsan yahay sharciyada doorashooyinka

    Inuu jiro qorsho (Stratigic)

    Inuu jiro miisaaniyad (budge)

    Waa inuu jiro xisbiyo/musharaxiin

    Waa inuu jiraa dad diiwaangashan oo codeynaayo

    Goobtii lagu codeyn lahaa (polling station)

    Xaliimo ayaa ka codsatey Dowlada Soomaaliya iyo Hayaddaha caalamiga ah in Miisaaniyad ay ku fududeeyaan howlaha horyaal ay ka  taageeraan GMDQ. Waxayna cod adag oo kalsooni ku jirto ku sheegtey Gudoomiyaha in dalka Soomaaliya uu ka dhici karo doorasho qof iyo cod ah, waxayna daliil u soo qaadatey wadamo badan oo ka liita Soomaaliya in ay ka dhaceyn doorasho qof iyo cod ah, iyadoo martida kulanka ku sugnaa hortooda ka balanqaadey inay arki doonaan dalka oo ka dhaca Doorasho qof yo cod ah.

    Sidoo kale Raisalwasaare Ku xigeynka Dowlada Federaalka ayaa sheegay in 21-kii Soomaaliyeed ee XHKS ee Dumuqraadiyada loo baahan yahay iyo in kale, iyo aragtida siyaasadeed ee la rabo in la soo bandhigo, tan iyo burburkii waxa nagu dhacey iyo sidee xisbiyo madaxbanaan ka turjumayada Soomaalinimo aan u sameyn karnaa ayaa ah mida u baahan in leys weydiiyo.   Wuxuuna ugu baaqey xisbiyada inay keenaan hindiso sharciyeed hagaya xeerka asxaabta oo ay la wadaageen GMDQ ee u baahan in wax ka badal lagu sameeyo, Golaha Baarlamaanka oo ah sharci dejinyaha ay  kala shaqeeyaan.

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka la gaarey , iyo sida ay uga goan tahay inay kala shaqeeyaan GMDQ sida uu ku qabsoomi karo doorasho qof iyo cod. Mudane Jawaari ayaa sidoo kale tilmaamey jidka ugu sahlan ee dalka nabad looga dhigo karo doorashana uu ku dhici karo inay tahay in wadashaqeyn lala yeesho degmooyinka dalka.

     

    Dhanka kale  waxaa goobta hadalo kooban ka soo jeediyey qaar ka mid ah Gudoomiyeyaalka Xisbiyada oo u mahadnaq GMDQ oo soo gaarsiiyey heerka ay maanta joogaan, ayna ku faraxsan yihiin in la gudoon siiyo shahaado ku meelgaar ah.  Dalka Soomaaliya oo ah dalka aan ka dhicin mudo 48 sanadood ku dhawaad ah doorasho xor oo xalaal ah, ayaa waxaa la doonayaa xisbiyada soo sameysmaya inay raacaan sharuudaha hada jira.  Shuruudaha hadda ku xiran in xisbi si ku-meel-gaar ah loo diiwaangaliyo waxaa ka mid ah

    In la soo qorto codsi shaabbadda xisbiga ay ku dheggan tahay, isla markaana la raaciyo nuqul ka mid ah kulankii ugu horeeyay ee xisbiga.   In la soo raaciyo xeerka xisbiga iyo habka ay ku xalinayaan haddii dhexdooda uu khilaaf ka yimaado.  Bixinta lacagta diiwaangalinta oo ah $500.   In xisbiga uusan ka mid noqon karin shaqaalaha Rayidka ee Dowlada ama Ciidamada Qaranka.

    Hayeeshee Xisbiyada marka sida rasmiga ah loo diiwangalinayo waxa laga rabaa in mid kasta uu la yimaado (10,000) toban kun oo cod bixiye oo xisbigiisa u diiwan gashan oo gobollo kala duwana ka soo jeeda, iyo inuu bixiyo lacagta diiwaan galinta oo ah kun Doolar, iyo in ugu yaraantii sagaal gobol uu xarumo ku leeyahay, taageerayaalna u joogaan.

    Ugu dambeyn waxaa munaasabada shahaado gudoonsiinta xisbiyada soo xertey Gudoomiyaha GMDQ Xaliimo Ismacil oo ugu baaqdey xisbiyada la gudoonsiiyey shahaadada in shahaadada ay heystaan ay tahay mid kumeelgaar ah loogana baahan yahay inay soo buuxiyaan sharuudaha ay ku noqon karaan xisbi rasmi ah, keliya ay kaga duwan yihiin xisbiyada aan isa soo diiwaangelinin ay tahay inay heystaan xaquuq ka duwan kuwa kale. Sidoo kale waxay sheegtey in maanta ay tahay maalin taariikhi ah 49 sano ay ugu dambaysay xisbiyo siyaasadeed oo dalku yeeshu, xisbiyadu waa matoorka dimuqraadiyada iyo taranka horumarka waa alle mahadii hadii ay inoo suurta gashay in dib loo furo hanaanka xisbiyada. Maanta waxaan cagta saarnay jidkii doorashoyinka xorta iyo xalaalsha ahaa oo qofkasta oo Soomaali ahi ka tashado aayaha dalka iyo cidii uu u aamini lahaa taasina waa guul maanta ay soo hooyeen GMDQ ka  waa alle mahadii , xisbi walbo ilaa inta laga gaaraayo 2020-ka oo ay ka dhiman tahay lix bilood waa is diiwaangelin karaa.

Qor Faallo ama Jawaab

Your email address will not be published. Required fields are marked *