Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Ku xigeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda oo kulan gaar ah la qaatay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                        Khamiis 24/08/2017

 

Kuxigeenka xog-hayaha guud ee arimaha siyaasada ee qaramada midoobay Chief Jeffery Felmen oo booqasho ku yimid Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kullankan ayaa waxa looga wada hadlay geeddi socodka doorahada la rajjeynayo in ay dalka ka qabsoonto sanadka 2020ka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Mrw, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa warbixin ka siisay wafdiga shaqooyinkii u dambeeyay ee uu Guddigu qabtay iyo caqabadaha lasoo gudboonaaday.

Dhanka shaqooyinka ayay Guddoomiye xaliimo sheegtay in Guddigu ku guulestay in la diyaariyo qorshe istaraatiijiyadeed oo si cad u qeexaya shaqooyinka lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay in qabto si doorasho qof iyo cod ah lagu gaaro sanadka 2020ka, sidoo kale shaqooyinka Guddiga u qabsoomay ayay Guddoomiye Xaliimo sheegtay in ay ka mid yihiin abaabulka iyo wadatashiyada qaybaha dadka Soomaaliyeed iyadoo tusaale u soo qaadatay latashiyadii u dambeeyay ee Guddigu ku marayay Dawlad Goboleedyada dalka ka jira. Waxaa kale oo ka mid ah shaqooyinka muhiimka ah ee qabsoomay daahfurka xafiiska diiwangalinta xisbiyada siyaasadda oo tallaabo muhiim ah u ah dadaalka loogu jiro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhanka kale Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegtay in ay jiraan caqabado badan oo lid ku ah shaqooyinka Guddiga kuwaas oo ay ka mid yihiin shuurucda asaasiga ah ee doorashada oo aan wali la diyaarin sida sharciga doorashada, miisaaniyad doorasho oo aan jirin iyo waliba kaabayaasha iyo agabkii Guddigu ku shaqayn lahaa oo ka mid yihiin xarun dhexe oo uu Guddigu ku shaqeeyo si waajibadkisa uu u gutto si madaxbannaan oo aan iyagana la hayn.

Ugu dambeyn waxay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay tahay in ay si gaar ah wada hadal dheer uga galaan arrimaha doorashada oo ay ugu muhiimsan tahay ka go’naansho siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.

Xubnaha kale ee Guddiga ayaa iyaguna adkeeyay hadalka guddoomiyaha iyagoo daboolka ka qaaday baahida ay u qabaan kaalmo farsamo, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay ka helaan Qaramada Midoobay.

Kuxigeenka Xog-hayaha Guud ee arrimaha siyaasada Jeffery Felmen                       ayaa dhankiisa soo dhaweeyay shaqada muhiinka ah ee uu Guddigu qabtay mudadii koobnayd ee uu jirey, wuxuuna sheegay in qorshahan istraraatiijiyada ee 5ta sano ee Guddigu diyaariyay ay tahay tallaabo muhiim u ah jihada iyo qaabka loo maareynayo hawlaha doorashada, sidoo kale wuxuu sheegay in ay sahlayso qaab daah furan oo qaramada midoobay iyo caalamkuba kula shaqayn karaan Guddiga si looga dhabeeyo hadafkaan qaran ee ah doorasho qof iyo codkisa ah in ay dalka ka dhacdo.

Ugu dambeyn wuxuu sidoo kale Guddiga u xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay xil gaar ah iska saartay tageerada loo fidinayo Guddiga si uu waajibadkisa shaqo u guto.

Dhamaad

Qor Faallo ama Jawaab

Your email address will not be published. Required fields are marked *