Xaflad xeriga looga jarayey wajiga 1aad ee dhismaha Xarunta dhexe ee GMDQ

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka March 2018 qabtay xaflad xeriga looga jarayey dhammaystirka wajiga kowaad ee dhismaha Xarunta dhexe ee Guddiga, munaasabadaas oo ka dhacday halka uu ka socdo dhismaha cusub ee xarunta Guddiga ee magaalada Muqdisho.
Xafladaan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka (Xalimo Yarey) Xubnaha Guddiga, Gudoomiyaha Gobolka Benaadir, Madax ka socotay Qaramada Midoobey, Xubno kasocday Xisbiyada Siyaasadeed.                                                            
Ugu horayn waxaa xaflada hadal ku aadan dhismaha kasoo jeediyay hay’adii gacanta ku haysay dhismaha wajigiisa kowaad ee Xarunta Guddiga UNOPS oo uu u hadlay Mudane: Milaim Reshani oo ah madaxa mashaariicda ee UNOPS, waxa uu sheegay in dhismaha wareejinta dhulka ku qaadatay muddo lix bilood ah iyadoo dhismahan uu ahaa mid adag oo ah nooca aan xabadu karrin, gabagadabii hadalkiisa ayuu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in wajiga koowaad ee dhismahan uu sidii loogu talogalay ugu soo dhamaaday uuna uga mahadcelinayo sidii wanaagsaneyd ee xirfadeysneed ee ay uwada shaqeeyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Michel Gerald oo ka socday kooxda iskudhafka ah ee u qaabilsan Qaramda Midoobay arrimaha doorashooyinka (IESG) ayaa sheegay in dhameystirka wajiga kowaad ee dhismaha xarunta dhexe ee Guddiga Doorashada uu tilmaam iyo tusaale wanaagsan u yahay doorashada guud ee la rajeynayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2020 iyo waliba geedi socodka dimoqoraadiyadeed ee Soomaaliya.
Gudoomiyaga Guddiga Doorashooyinka Qaranka Marwo: Xaliimo Ismaacil Ibraahim oo goobta ka hadashay ayaa sheegatay in wareejintan dhismaha xarunta Guddiga uu yeelan doono ay tahay mid muujinaysa sida ay Guddiga Doorashooyinka uga go’antahay inay dalka iyo dadka soomaaliyeed uga tagaan taariikh iyo wax la taabankaro oo ay ku soo kordhiyaan dawaladnimada Soomaaliya.

2018-03-28T11:39:22+00:00 March 28th, 2018|Warbixinno|