Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Waxaa maanta xarunta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka lagu gudoonsiiyey shahaadada xildhibaannimo ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Xarunta Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadada xildhibaannimo lagu gudoonsiiyey mudane xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo ku guuleystey kursiga xildhibaannimo ee Golaha shacabka Soomaaliyeed maalinimadii Axada 28-01-2018. Shahaadada waxaa Guddoonsiisey Gudoomiyaha Guddiga Xalimo Ismacil, waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah Guddiga, sida commissioner Xusen Cabdi Aadan iyo Commissioner Cabdiraxman Dheere.
Ka dib Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa u mahadceliyey Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka sida wanaagsan ee dhexdhexaadnimada ee daacada ah oo ay u qabteen doorashada ka qabsoomey magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabelle. Wuxuuna ka dalbadey xildhibaan Nuur Iidow Beyle Guddiga inay dadaaladooda xoojiyaan kana hirgeliyaan dalka doorasho qof iyo cod 2020-ka.
Xildhibaan Nur Idow Beyle tartanka wareega labaad waxay isugu soo hareen musharax Cabdulaahi Maxamed Axmed Sanbaloosh, oo helay 24 cod, Nuur Iidow Beyle wuxuu helay 27 cod. Waxaana ku soo baxay tartanka xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo helay 3 cod dheeri ah ee uu kaga guuleystey Musharax Cabdulaahi Sanbalooshe.
Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ahaa 4 kursi ee uu mid ka mid ah ku soo baxay Nuur Iidow Beyle, 3da kale ee kursi ee banaan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo uu ka qabsoomo..