Warbixinta Safarki Amman, Jordan  ee ku saabsanaa  Doorashada Dawlad Hoosaadka iyo maamul goboleedyada Jordan

12 – 18 August 2017

 

 

Ujeedada Safarka:                             Marti Sharaf & Qibrad wadaag

 

Casumaadda:                                                            Arabembs

 

Wafdiga NIEC:                                                           Commissioner Khadija O. Ali & Mohamed Dahir

 

  1. Hordhac

Waxaan tagnay Amman, Jordan habeenimaddi Sabtiga ahayd 12, August, 2017. Maalinti xigtay waxay ahayd isbarasho iyo casumaddo loogu tala galay in wufuuda dalalka ka tirsan Arabembs (Guddiyada Doorashada Carbeed) ay isku bartaan oo ay sameysay hay’adda doorashooyinka dawladda Jordan (IEC, Jordan).

 

 

 

  1. Maalinti xigtay ee Isniintii waxaan ka qayb galnay seminaar ay soo diyaariyeen Arabembs(Haya’adda Doorashooyinka Carbeed) & IEC Jordan looguna tala galay iney warbixin ku siiyaan wufuudda ururka iyo martida kale, uguna micneeyaan himiladda iyo habka doorashadooda, ay ku sheegeen iney tahay demoqraadiyeen tartiib ah (gradual democratization).

 

 

Waxaa ka mid ahay dadka ka hadlay seminarka laba wasiir oo dawladda Jordan, kuwaasoo aad uga hadlay sababta ay Jordan u dooratay demoqradiyeenta tartiibka ah oo ay ku sheegeen iney rabaan shacabkooda iyo siyaasadooda iney isla socdaan, duruus badana ay ka barteen kacdoonka carabka (Arab Spring). Waxaa kale seminaarka ka hadlay madax ka socota IEC Jordan ku waasoo macneeyay:

 

  • Sharciga doorashooyinka Jordan iyo marxaladihii uu soo maray.
  • U diyaar garowga doorashada iyo kuraasta loo tartamayo
  • Doorka korjoogayaalka, hay’adaha aan dawliga ahayn iyo maxkamadaha ay ku leeyahiin doorashooyinka.
  • Maamulka doorashada iyo qaabka loo xaqiijinaayo doortaha iyo la doortaha.
  • Tababaradda ay siiyaan dadka ka shaqeynayo iyo waqtiga ay siiyaan (3 days before election);
  • ICT systemka iyo siduu u shaqeynayo iyo
  • Qolka hawgallada(operation room)

 

Waxaa kale oo ayagana ka hadlay madaxda Arabembs iyo marti sharaf kale oo kakala socotay UN women iyo UNDP, kuwaas oo kale hadlay doorka haweenka ee doorashada iyo tirakoobka codbixiyayaasha ee Jordan.

 

  • Maalinti doorashada – Talaaddada oo bisha ay ahayd 15 August ayey ahayd maalinti doorashada. Waxaa la balamay subixi hore 5:45 si loo gaaro goobaha doorashada inta aan codbixinta la bilaabin.

Inkastoo wufuuda Arabembs aysan ahayn kormeerayaal, haddana waxaa loo kala qaybiyay goobaha laga codeynaayay, kuwaasoo ay maalintii oo dhan ay ku wareegaayeen. Koox walbana loo qondeeyay iney tagaan ilaa 6-7 goobood oo magaaladda dhaxdeeda iyo bannaankeeda intaba ah, taasoo ay soo indha dhaynaayeen, habsami u socodka doorashooyinka, si ay qibrad uga soo qaataan, wixii ay lasoo kulmeena ayna ula wadaagaan wufuuda kale iyo dalalkooda intaba.

 

  1. Maalinti Arbacadii ee bisha 16, 2017, waxaa shir iskugu yimid dhammaan wufuudda ka kala socotay Arabembs iyo IEC, Jordan, si laysku dhaafsado aragtiyadii iyo waxyaabihii ay la kulmeen si aqoon isweydaarsi ah. Arrimihii laga hadlay waxaa ka mid ahay:

 

  • Diyaargarowga goobaha codbixinta;
  • Nabadgelyada goobaha.
  • Dadka baahiyada gaarka ah qaba.
  • Warqadaha codeynta (Blank ballot papers for council election)
  • Meelaha lagu codeynaayay.
  • Xafidadada xogta dadka.
  • Campaignka iyo codeynta (campaign signs).
  • Goobaha codeynta oo haweenka u gaarka ah.
  • Shaqaalaha goobaha codeynta iyo jinsigooda.
  • Codeeyayaasha oo aad u yaray iyo sababaha.

 

  1. Gunaanadkii

Run ahaantii safarka aan ku tagnay Amman, Jordan, wuxuu ahaa safar faa’iida badan oo si wax ku ool ah aan u aragnay doorashada iyo waxyaabaha la rabo iyo diyaar garowga ay u baahan tahay si doorasho loo qabto, duruustaas oo aan rajeyneyno inaan uga faa’iideyno doorashooyinka soo socda ee loo qaban doono Somalia.

 

Waxaan kale ee la kulannay wufuudaha dalalka kale ka kala yimid sida Iraq iyo Arabembs kuwaasoo aan kala hadalnay sidi ay NIEC u caawi lahaayeen, qaas ahaan diiwaangelinta xisbiyadda. Waxayna noo sheegeen iney duyaar u yihiin iney noo soo diraan dad Soomaaliya yimaada oo nala habeeya xafiiska diiwaangeliyaha.

 

 

 

Wabillaahi Tawfiiq

 

 

Commissioner:                    Khadija O. Ali

Mohamed Dahir

 

 

 

2017-08-30T07:44:56+00:00 August 30th, 2017|Warbixinno|