Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wafdi ka socda guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa waxa uu booqasho shaqo oo qaadatay 3 cisho ku tagay magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Galmudug.

Wafdiga oo isugu jiray xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka iyo howl-wadeenno ayaa waxaa huggaaminayay guddoomiye ku xigeenka guddiga mudane SayidCali Sheekh Maxamad. U jeeddada safarkan ayaa ahayd in dadka Galmudug laga tala geliyo geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee 2020ka.
Wafdiga guddiga ayaa waxaa gegida diyaaradaha Cadaado ku soo dhoweeyay maamulka degmada oo uu hor kacayo guddoomiyaha degmada mudane Cabdullaahi Cabdiraxmaan.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Mudane SayidCali Sheekh Maxamad oo wafdiga Cadaado tegay hor kacayay ayaa munaasabaddii soo dhoweynta ka yiri, “Waxaan u nimid Cadaado u jeeddo la mid ah tii aan u tagnay Baydhabo, Garbahaarey, Doolow, Beledweyn iyo Buulo-Burde oo ah in aan dhegeysanno soona aroorinno talooyinka iyo fikradaha dadka Soomaaliyeed ay ka qabaan geeddi-socodka doorashooyinka 2020ka. Waxaan ku raja weynahay in aan Cadaado kala tagno talooyin wax ku ool ah oo howsheenna iyo waajibaadkeenna wax weyn ka tari doona. Waad ku mahadsantihiin walaalayaal soo dhoweynta.”
Inta uu wafdiga guddigu ku sugnaa Cadaado waxa uu kulama gaar-gaar ah la galay qaybaha kala duwan ee bulshaa sida siyaasiyiinta, waziirro, xildhibaanno, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, culimada diinta, haweenka iyo dhallinyarada.
Kulamada uu guddigu la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ayay u jeeddadoodu ahayd in dadku ay ka tala bixiyaan sida waddanka lagu gaarsiin karo doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020ka. Hal ku dhegga kulamadan ayaa ahaa “aan tashanno, iskuna tashanno”.
Safarka guddiga ee Cadaado ayaa ku soo dhamaaday si qurxoon waxaana guul laga gaaray u jeeddooyinkii safarka.