Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Wadatashiyadii geeddi-socodka doorashooyinka oo maanta laga daahfuray gobolka Benaadir

17ka Febraayo xarunta gobolka Benaadir waxaa lagu daah-furay kulammo wadatashi oo ku saabsan sida waddanku uu ku gaari karo doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020ka. Kulamadaan Benaadir lagu qabanaayo waxaa si rasmi ah u furay guddoomiyaha gobolka Eng. Yariisow.
Wadatashiyada geeddi-socodka doorashooyinka ee gobolka Benaadir lagu daahfuray ayaa horay guddigu uga soo qabtay in ka badan 20 degmo oo ka kala tirsan 5ta maamul goboleed ee xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wadatashiyadaan ayuu guddiga doorashadu uga gol-leeyahay in lagu aruuriyo talooyinka dadka Soomaaliyeed si waddanku ay uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020ka.
Xafladda daah-furka wadatashiyada doorashooyinka ee lagu qaban doono degmooyinka gobolka Benaadir waxaa ka qayb-galay si rasmi ahna u furay guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Cabdiraxmaan Yiriisow.
Furitaanka kulanka, guddoomiyaha GMDQ marwo Xaliima Ismaaciil waxay si kooban sharraxaad uga bixisay himilada guddiga oo ah in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020ka. Si loo xaqiijiyo himiladaasna ay guddigu lagama maarmaan u arkeen in dadka Soomaaliyeed laga tala-geliyo ayay tiri marwo Xaliimo. Ugu danbeyntii waxay dadka ku dhaqan gobolka Benaadir ugu baaqday in ay talooyinkooda ku biiriyaan guddiga si ay u qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah sannadka 2020ka.
Guddoomiye ku xigeenka GMDQ mudane SaydCali Sheekh Maxamad ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay safarradii wadatashiyada ee ay ku kal bixiyeen waddanka. Waxa uu sheegay in ay dadkii ay gobollada iyo degmooyinka dalka kula kulmeen ka soo faaiideen kana soo heleen talooyin qiimo badan wax ku oolna ah. GMDQ waxaa ka go’an in ay siiyeen talooyinka dadka Soomaaliyeed qiimaha ay mudanyihiin ayna ku darsan doonaan qorshooyinkooda ayuu yiri mudane SaydCali.
Dhankiisa guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho mudane Yiriisow waxa uu aad u ammaanay qorshaha guddiga ee ah in dadka Soomaaliyeed fikradahooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah la ogaado. Waxa uu sheegay in ay tahay tallaabo ku dayasho mudan.
Waxa uu intaa ku daray in talooyinka dadka ku nool Benaadir ay muhiim yihiin ayna tahay in aad loo dhuuxo si waddanka ay uga qabsoonto doorasho qof iyo cod ah 2020ka. Waxa uu sidoo kale guddoomiye Yiriisow carrabka ku dhuftay in maamulka gobolka Benaadir ay diyaar u yihiin kana go’antahay in ay qaataan door hoggaamineed si waddanka ay uga dhacdo doorasho xor ah.