Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Tababarka Hababka Doorashooyinka

 

Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) isaga oo ka jawaabaya baahida loo qabo in la barto, lana fahmo hababka kala duwan ee doorashooyinka (Electoral Systems) si loo xusho, layskuguna waafaqo habka ugu haboon ee dalkeena ku wanaagsan kaas oo lagu muujin doono sharciga doorashooyinka oo qabyo-qoraalkiisa ay hadda ku mashquulsan tahay Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Dibuheshiisiinta iyo Federaalka, hadaba Guddiga asaga oo ka jawaabaya baahidaas wuxuu qabtay seminaar lagu baranayo hababka doorashooyinka.

Seminaarkan oo ay daadihinayeen khabiiro iyo xeeldheereyaal ka yimid dalka Mareykanka oo kala ah Andrew Ellis oo bare ka ah Jaamacada North Carolina iyo Andrew Reynolds, oo isna ku takhasusay cilmiga doorashooyinka kana soo shaqeeyay waqti aad u badan iyo dalal ka duwan.

Seminaarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasaaraddaha iyo Xafiisyadda Dowladda ee xiriirka tooska ah la leh howlaha doorashooyinka sida Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Wasaaradda Cadaalada, Wasaarada Dastuurka, Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo weliba Xafiiska Raiisul Wasaaraha iyo kan madaxweynaha.

Seminaarkan oo lagu qabtay Xarunta Guddiga waxaa furay Komishinorada Guddiga kuwaas oo soo dhaweeyay ka qeybgaleyaasha seminaarka kuna booriyay inay ka faa’iideeystaan seminaarka muddada uu socdo.

Mudadii saddexda casho ahayd ee uu socday siminaarku waxay muujiyeen ka qaybgalayaashu firfircooni iyagoo si wanaagsan uga dooday mawduucyadii lasoo bandhigay, waxayna ka qeybgalayaashu ku heshiiyeen inay dhisaan guddi ka kooban wasaaradaha iyo xafiisyada kala duwan kaasoo sii anbaqaada hawsha kala xulashada hababka doorashooyinka.

Seminaarkan waxaa soo xiray Raiisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliyeed, Muddanne Mahdi Maxamed Guuleed isagoo adkeeyay kaalinta doorashooyinka ee horumarinta dalka iyo xasilinta.

Qor Faallo ama Jawaab

Your email address will not be published. Required fields are marked *