Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Tababar lagu diyaarinayay fulinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda GMDQ oo lasoo gabo gabeeyay.

 

 

Waxaan maanta oo taariikhdu 13 October 2017 lagu soo gabo gabeeyay xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka tababar soconayay muddo 10 casho ah.

Tabobarka ayaa lagu baranayay fulinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda 5ta sano ah ee 2017-2021 ee Guddiga, waxaana tababarkan bixinayay khubaro sare oo uu hogaaminayay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maxabannan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee dalka Kenya mudane Axmed Issaq Hassan.

Tababarkan oo ay si buuxda uga qaybgaleen xubnaha iyo shaqaalaha Guddiga ayaa waxaa si faahfaahsan loogu lafo gurey sida loo fulinayo qorshaha istraatiijiyada Guddiga iyadoo si cad loo tilmaamay sida xubnaha Guddiga, Xoghayaha Guud , Agaasimayaasha iyo dhamaan hawlwadeenada u kala leeyihiin masuuliyadaha hawlaha shaqo ee kaga aadan fulinta qorsha istraatiijiyadda guud.

Sidoo kale waxa la abuurey qaabka lagu kormeerayo hanaanka fulinta hawlaha shaqo ee qorshaha guud ee heerarka kala duwan ee xafiisyada Guddiga si loo xaqijiyo in lagu socdo tilmaamaha iyo waqtiyada ay istraatiijiyadu qeexayso iyo in sidoo kale la buuxiyo dhinac kasta oo gaabis ka imaan karo.

Guddiga Mdaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa horaantii sanadkan ku guuleystay in ay diyaariyaan qorshahan istraatiijiyadda Gudd ee 5ta sano taas oo si cad u qeexaysa sida lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-2021 ka.

Tabobarkan ayaa imaanaaya kadib markii Guddigu la-tashiyo xoogan kala sameeyay dhamaan daneeyeyaasha doorashooyinka sida, ururada siyaasada, dawlada Federalka, Dawald Goboleedyada iyo dhamaan qaybaha bulshada.

Ugu dambeyn Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa dadaal badan ugu jira sidoo looga dhabeynlahaa in dalka soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho qof iyo codkiisa ah sanadka 2020ka.

[/fusion_text][/fusion_builder_column][/fusion_builder_row][/fusion_builder_container]

Qor Faallo ama Jawaab

Your email address will not be published. Required fields are marked *