Safar Shaqo ee Guddigu ku tageen Caasimada Maamul-goboleedka Hirshabelle ee Jowhar

Iyadoo laga ambaqaadayo siyaasadda Guddiga eek u dhisan baahinta shaqada iyo in hawlaha Guddiga la gaarsiiyo dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Dhexe, islamarkaana xiriir dhow lala yeesho madaxda maamul goboleedyada iyo qeybaha bulshada eek u dhaqan maamulladaas, wuxuu Guddigu booqasho shaqo ku tagay Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo ka mid ah maamul goboleedyada ka hanaqaaday dalka maalintii Talaadada ahayd ee taariikhdu ahayd 5tii Septembar 2017ka, safarkaan oo qaatay muddo laba maalmood ah waxaa ka mid xubnihii Guddiga ee halkaas u safray Commissioner Xuseen Cabdi Aadan kusimaha Guddoomiyaha Guddiga, Commissioner Khadijo Cosoble Cali iyo Commissioner Maxamed Daahir Maxamuud iyo xubno kale oo ah shaqaalaha iyo la taliyayaasha Guddiga.

  • Ujeeddooyinka Safarka
  • In Guddigu xiriir dhow la yeesho madaxda iyo qeybaha bulshada ee kala duwan ee ku nool maamulka Hirshabeelle.
  • In Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo Qeybaha bulshada looga warbixiyo shaqooyinka Guddiga, waajibaadkiisa iyo wixii u qabsoomay muddadii labada sano ahayd ee uu Guddigu jiray.
  • In la xaqiijiyo is afgarad iyo wadashaqeyn dhexmarta Guddiga iyo madaxda maamulka si loo xaqiijiyo fulinta ujeeddooyinka iyo waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga.
  • Kulamada iyo Shirarka
  • Kulankii Madaxweynaha: Isla maalintii uu gaaray Guddigu magaalada Jowhar wuxuu ku qaabilay xarunta Madaxtooyada maamul Goboleedka Hirshabeelle Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, oo ka dib markii uu warbixinta Guddiga dhageystay ku soo dhaweeyay xarunta maamulka ee Jowhar una ballan qaaday wada shaqeyn iyo inuu maamulku fududeyn doono wixii hawl ah ee Guddigu uga baahdo, sidoo kale wuxuu madaxweynuhu ka codsaday Guddiga inay korjoogayaal ka noqdaan doorashada madaxweynaha ee la filayo inay ka dhacdo Jowhar 12ka septembar 2017ka, Guddiguna way soo dhaweeyeen arrinkaas.
  • Kulankii Bulshada Rayidka ah: 5tii bisha Sebtembar afartii galabnimo waxay xubnaha wafdiga Guddigu kulan ballaaran la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah sida haweenka, dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka, kulankan oo socday muddo ka badan laba saacadood waxaa lagu falaanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyn dhow oo dhexmarta bulshada rayidka ah iyo guddiga iyo dhinacyada ay iskaashi iyo wadashaqeyn ka yeelan karaan kuwaasoo ay ugu horreeyaan wacyigelinta bulshada, xaqiijinta ka qeybqaadashada haweenka iyo dhallinyarada ee siyaasadda dalka IWM.
  • Kulankii Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle: Habeennimadii 5ta bisha 7-dii fiidnimo wuxuu Guddigu ku booqday xaruntooda Guddoonka Baarlamaanka oo ka koobnaa Guddoomiyaha iyo labadiisa guddoomiye ku xigeen, ka dib Guddoonka Baarlamaanku markii ay dhageysteen warbixinta Guddiga waxay marlabaad usoo gudbiyeen codsigooda ku aaddan in Guddigu korjoogayaal ka noqdaan doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayna tababaraan kooxda baarlamaaniyiinta ah ee hawshaas u xilsaaran iyagoo ballan qaaday inay wadashaqeyn dhow la yeelan doonaan Guddiga, wafdiga Guddigu waxay dhankooda ballan qaadeen inay sameyn doonaan wixii awooddooda ah ee lagu taageerayo hawsha doorashada madaxweynaha.
  • Kulankii Wasiirka Arrimaha Gudaha: 6-dii bisha Septembar 10;00 kii subaxnimo, wuxuu wafdiga Guddigu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha Gudaha ee Dowladgoboleedka Hirshabeelle mudane Caadle iyagoo isku afgartay wadashaqeyn labada dhinac ah, iyo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ay qeyb ka noqoto barnaamijyada kala duwan ee uu Guddiga Doorashooyinku ku hawlan yahay.
  • Kulankii Golaha Wasiiradda: 6-dii bisha Sebtembar 11;00 barqanimo, wuxuu Guddigu kulan sagootis ah la yeeshan xubnaha Golaha Wasiiradda ee maamulka Hirshabeelle oo uu horkacayay madaxweynaha iyagoo marlabaad u ballan qaaday Guddiga wadashaqeyn dhow, kuna boorriyay inay Jowhar noqoto xarunta ugu horreysa ee Guddigu ka furanayo xafiisyada Gobollada, waxaana intaas ka dib Guddiga qado sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo horkacaya qeyb ka mid ah xildhibaannada oo ay ku jiraan Guddoomiye kuxigeennada iyo xubnaha loo xilsaaray doorashada madaxweynaha.

Gabo gabo:

Intii wafdiga Guddigu ku hawlanaa safarkiisa shaqo ee Jowhar waxaa dhab ahaantii uu xaqiijiyay dhammaan ujeeddooyinkii uu ka lahaa safarkiisa waxaana uu ahaa safarkii Jowhar mid ku dhamaaday guul iyo isafgarad waxayna ahaayeen madaxda Hieshabeelle kuwo u muujiyay Guddiga u heellanaan iyo laabfuran.

Xubnihii Wafdiga

Commissioner: Xuseen Cabdi Aadan —– Guddoomiye.

Commissioner Khadijo Cosoble Cali……… Xubin

Commisioner Maxamed Daahir Maxamuud…. Xubin

Fatxiya Maxamed Farax …….. Xubin

Maxamad Cumar Maxamuud……. Xubin

Asad Axmed Maxamed…….. Xubin

Cabdirisaaq cusmaan Nuur…… Xubin

2017-09-12T09:02:45+00:00 September 12th, 2017|Warbixinno|