13 12, 2017

Guddigga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) oo kulan la qaatey Duqa Muqdisho

2017-12-14T08:19:38+00:00 December 13th, 2017|Warbixinno|

                              Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka ayaa kulan la qaatey Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdishu Maxamed Cabdi Tabit, Taariikhdu markey aheyd 12,12,2017,  kulankaas oo ujeedadiisu aheyd in xoogga lagu saaro sidii looga sameyn lahaa wadatashiyo dadweyne oo ku saabsan doorashooyinka qof

13 12, 2017

Xaflada Daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka iyo stratijiyada 5ta sano ee GMDQ

2017-12-13T12:44:17+00:00 December 13th, 2017|Uncategorized, Warbixinno|

Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa GMDQ ku qabteen magaalada Muqdisho. 11kii December 2017. Xafladaas ayaa ujeedkeedu ahaa soo bandhigida qaamuuska ereybixinta dooroshooyinka iyo daahfurka qorshaha istiraajiyada 5 sano ee GMDQ. Xafladdan ayaa waxaa kasoo qayb galeay qaybaha kala duwan ee bulshada, madaxda DFS, siyaasiyiin, xildhibaano, beesha caalamka qaybaheeda daneeya arimaha doorashooyinka, ururrada bulshada,

12 12, 2017

 Doorashooyinka Puntland ayaa booqasho ku yimid xarunta Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka

2017-12-13T11:33:51+00:00 December 12th, 2017|Warbixinno|

Labada Guddi ayaa waxay isla lafagureen sidii ay uga wadashaqayn lahaayeen hannaanka geeddi socodka Doorashooyinka 2020ka.  Kulanka oo socday saddex maalmood ayaa wuxuu ku soo dhammaad is faham dhexmara labada Guddi.  Waxayna tani bilow wanaagsan u tahay iskaashiga iyo wadashaqaynta hay'adaha dawladda iyo kuwa Federaalka ah ee Doorashooyinka.

11 12, 2017

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay

2017-12-11T12:34:49+00:00 December 11th, 2017|Uncategorized, Warbixinno|

maanta xaflad ballaaran oo lagu soo bandhigay Qaamuuska Ereybixinta Doorashooyinka iyo Qorshaha istratijyadeed ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka qaranku ku hirgelinayaan Doorashooyinka Qaranka.     Waxaana xafladda ka soo qaybgalay dhammaan hay'adaha dawladda, Xisbiyada siyaasadeed ee sida ku meelgaarka ah loo diiwaangeliyay, Ururrada Bulshada, Hay'adda Caalamiga ah ee daneeya arrimaha doorashooyinka, Aqoon yahan iyo waxgarad ballaaran. warbixinno

4 12, 2017

Gudiga Madaxbanaan Doorashooyinka Qaranka ayaa si ku meelgaar ah u diiwaangeliyey todobo xisbi siyaasadeed

2017-12-09T11:11:11+00:00 December 4th, 2017|Warbixinno|

 Munaasabaddii maanta sida ku-meel-gaarka ah loogu diiwaan galiyay xisbiyada todobada ah ayaa ka dhacey magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenka Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed, Xildhibaanada Baarlamaanka ee labada Aqal,bulshada Rayidka, dhalinyarada, iyo ururada siyaasadeed. Xaflada waxaa sidoo kale ku sugnaa Gudoomiyeyaalka Xisbiyada

19 11, 2017

Kulanka Guddiga Doorashooyinka Carabta ee ka dhacay Jordan

2017-11-19T12:09:21+00:00 November 19th, 2017|Wacyigelinta Dadweynaha, Warbixinno|

Shirka Ururka Guddiyada Dorashooyinka Dalalka Carabta oo Ka dhacay Dalka Joordan 13/14/ November 2017 OO Looga Hadlaayay Diwaan Galinta Codbixiyayaasha iyo Xog Uruurintooda

18 10, 2017

Tababar lagu diyaarinayay fulinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda GMDQ oo lasoo gabo gabeeyay.

2017-10-18T14:49:00+00:00 October 18th, 2017|Wacyigelinta Dadweynaha, Warbixinno|

    Waxaan maanta oo taariikhdu 13 October 2017 lagu soo gabo gabeeyay xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka tababar soconayay muddo 10 casho ah. Tabobarka ayaa lagu baranayay fulinta qorshe hawleedka istaraatiijiyadda 5ta sano ah ee 2017-2021 ee Guddiga, waxaana tababarkan bixinayay khubaro sare oo uu hogaaminayay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maxabannan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha

18 09, 2017

Tababarka Hababka Doorashooyinka

2017-09-18T10:09:09+00:00 September 18th, 2017|Wacyigelinta Dadweynaha, Warbixinno|

  Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) isaga oo ka jawaabaya baahida loo qabo in la barto, lana fahmo hababka kala duwan ee doorashooyinka (Electoral Systems) si loo xusho, layskuguna waafaqo habka ugu haboon ee dalkeena ku wanaagsan kaas oo lagu muujin doono sharciga doorashooyinka oo qabyo-qoraalkiisa ay hadda ku mashquulsan tahay Wasaaradda Arrimaha Guddaha,

18 09, 2017

Korjoogteynta Doorashadda Hirshabeelle

2017-09-19T07:57:28+00:00 September 18th, 2017|Wacyigelinta Dadweynaha, Warbixinno|

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee loo idmaday kuwaasoo ku xusan qodobka 111G ee dastuurka sida ku meelgaarka ah loo ansixiyay iyo weliba Qodobka 14aad ee sharciga Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, islamarkaana xoojinaya xiriirka iyo wadashaqeynta uu la leeyahay dowlad-goboleedyada dalka ka hana qaaday, kana jawaabaya martiqaadkii uu ka

13 09, 2017

GMDQ oo ka qeybgalay Shirkii A-WEB ee 31 August Sanadkan

2017-09-13T09:38:01+00:00 September 13th, 2017|Warbixinno|

31 August ayaa Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Sayed Cali Mohamed ka qeybgalay shirka sedexaad ee Ururuda Doorashooyinka Dunidda ee lagu qabtay Bucharest, Romania. Intii lagu gudajiray shirka ayaa Guddiga loo ogolaaday xubin ka mid noqoshada Ururada Doorashooyinka Dunida.   Guddiga Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa u gudbiyay horaantii sanadkan 2017da