kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu wado in la soo wada dhameystiro maalmaha soo socda

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) wuxuu si wanaagsan u qabtay doorashadii lagu wada qancay ee kursi buuxinta Golaha Shacabka ee jufada Cali madaxweyne beesha Xawaadle oo ka dhacday dowlad Goboleedka Hirshaballe ee Jowhar.waxaana kursigaasi ku guuleystey Nuur Iidoow Beyle, wuxuuna kaga Guuleystey ka dib tartanka wareega 2-aad ee loo Gudbey Cabdhulaahi Maxamed Axmed (Sanbalooshe), Waxaa kaloo guddigu qaban doonaa maalmaha soo socda kuraasta harsan ee kala ah kursiga jufada Hubeer ee beesha Mirifle oo la qaban doono 15 February 2018, wuxuuna ka dhici doonaa tartankaasi Dowlad Goboleedka Jubaland Kismaayo, kursiga jufada Habar cirfaan ee beesha Gudibiirse iyo kursiga jufada Maxamad Camal ee beesha Duduble ayaa ah mid socda diyaargarowgiisa.
Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka Qaranka ayaa ka goan inuu kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya u qabto daacadnimo, kalsooni iyo dhex dhexaadnimo  ayaa  ah ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay Guddiga inuu ugu shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed.

2018-02-12T12:15:08+00:00 February 12th, 2018|Warbixinno|