Kulmadii Wadatashiga ee uu Wadey Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo lagu qabtey Balcad.

Wadatashiyadii dadwaynaha ee uu waday Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu Daahfuray magaalada Balcad ee Shabeelada Dhexe . waxaana ka qayb galey n Madaxda Maamulka, Cuqaasha, Hoggaanka dhaqanka iyo Waxgaradka oo ay Hormuud ka yihiin haweenka iyo Dhalinyarada, wuxuuna Kulankaan uu daba socdey mid lagu qabtey Magaala madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar                             Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo soo maray Magaalooyinka Balad wenye, Buulo Burte, Baydhabo, Xudur, Garbahaarrey, Doolow, Kismaayo ayaa dhammaan dadwaynaha u soo bandhigay hannaanka hirgelinta Doorashooyinka 2020-ka. Waxay guddigu dhammaan ku soo qabteen goobahaas doodo iyo aqoon iswaydaarsi Talo wadaag ah oo looga arrin sanaayay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka hor imaan kara Doorashooyinka 2020.

Guddigu wuxuu marayaa dhammaan dalka wuxuu raadinayaa inuu helo talo Qaran iyo Midnimo lagu gaaro dawlad ku timaada doorasho oo looga gudbo qabiilka, waxaa Shacabka, siyaasiyiinta iyo maamulka degmada Balcad waxay soo dhaweeyeen Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka,
Sidoo kale Waxaa ka soo qeybgely Xildhibaanada Hirshabele
Gudoomiyaha Degmada Blacad Gudoomiyaha Cusub ee degamda Balcad Qaasim Cali Nuur oo loo yaqaano (Qaasim Furdug ) ka dib wuxuu yiri Gudoomiyaha “waxay noo tahay Taariikh, Jadwalka 28 sano ka hor waxaa wax lagu dooranaayey 4.5 ama qabiil, waxaa soo xuli jirey odayaal ama dhaqanka, ama Wasaarado, reer Balcad waxaan ka codsanaa inay taageeraan barnaamijka Cod iyo qof, hadii aynu nahay reer Balcad, ma naqaano qabiil ee waxaa nahay reer Balcad,”
“Diyaar ayaa u nahay hadii aynu nahay Madaxda iyo Bulshada reer Balcad waxaana rabnaa doorasho cod iyo qof.
Waxaa naga goan in Sanduuqa la keeno degmada ee aan isku codeyno, reer balcad wax waa lagu aamini karaa meeshaan joogno waa warshadii Balcad , reer Balcad waxa loo dhiibo waa loogu imaanaa ee wax noo dhiibta” sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Degmada Balcad oo sheegey in 150 Tuulo ay gaarsiin doonaan Doorashada Qof iyo Cod
Maxamud Maxamed Saneey Gudoomiyihii hore ee degmada Balcad. Soo dhaweyn ka dib, wuxuu sheegay in 4.5 leysgugu gambadey,dadka ku nool degmada Balcad waa dad nabad raba waa dad raba doorasho qof iyo cod , waana soo dhaweyneynaa doorashada cod iyo qof

Ugaas Maxamud Ugaas Xuseen Ugaas Isloow oo ka Hadley Goobta ayaa soo dhaweeyey Dadaalka Gudiga Doorashooyinka Qaran waxaa uu intaa sii raaciyey “ waan jecel nahay inaan qof iyo cod wax ku doorano taasaa noogu dhow Cadaalad iyo Sinaan

Gudoomiyaha Gudiga Xaliimo Yareey Mahadcelin ka dib Waxay sheegtey in Gudiga Doorashooyinka Qaranin ay Xooga Saari Doonaan in Dalka ay ka dhacdo Qof iyo Cod taas ayaana lagu gaari karaa Qaran Dhinac walba ka dhisan waxay kaloo sheegtey in Barnaamijkooda ku saabsan Doorashada ay Gaarsiin doonaan Guud ahaan Dalka
Axmed Maxamed Muuse dadka deegaanka ka mid ahaa oo ka Hadley halkaas ayaa sheegay in ay aad u taageersan yihiin doorashada sidoo kale waxaa ka Hadley Nabadoon Cali Cumar Hilowle waxaana uu sheegey in marka hore la helo Qorshe ku aadan sidii Dalka ay ugu dhici lahayd Doorasho Xalaal ah waxaana soo jeedinayaa in marka hore la helo Amni iyo Dhaqaale
“Waxaa Beeraneynaa Beeraheenna, ma dooneyno wax nooga yimaado Shisheeye, waxaa dooneynaa Madaxweyne aan Degmadeena ka soo Doorano” Sidaa waxaa yiri Muuse Nuur (Sokoroow) oo sheegay in calanka Soomaaliye aysan ku qorneyn Qabiil, marka waa soo dhaweyneyna in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod”

2018-01-11T16:18:41+00:00 January 7th, 2018|Warbixinno|