Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

KULANKII HAWEENKA GALKACYO-GALMUDUG

6-da Feb 2018 wadatashiyadii dadweynaha ee geedi socodka doorashada dalka ayaa guddigu kulankii saddexaad ku qabtay koonfurta magaalada Galkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Kulankaan ayaa ahaa kulankii haween weynaha Galkacyo-Galmudug waxaana kulanka ka soo qayb galay.
• Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Mudug-Galamudug
• Gudoomiyaha Haweenka Degmada Galkacyo-Galmudug
• Haweenka aqoonyahanada ah
• Iyo Madaxda Ururrada Haweenka Galkacyo-Galmudug
Waxaa ugu horayn cod soo dhaweyn ah soo jeediyay Guddoomiyaha Haweenka ee Degmada Galkacyo Marwo: Sacdiyo Badal Diirshe oo sheegtay in haweenka Galmudug ee Galkacyo ay in badan sugayeen kulanka Guddiga Doorashoyinka diyaarna u yihiin in talo iyo tabarba ay la garab istaagaan Guddiga.
Sidoo kale Gudoomiyaha Haweenka ee Gobolka Mudug Marwo: Maymuun Cali Nuur ayaa Iyana dhinaceeda aad usoo dhawaysay guddiga sheegtayna in haween ahaan ay diyaar u yihiin in dhaqaale iyo dhidib u taagidba ay howshaan diyaar u yihiin kuna faraxsan yihiin guddiga in ay hogaaminayso Marwo Xaliimo Ismaacil oo muwaadin Soomaaliyeed ah.
Waxaa kulanka toos u daah furay G/kuxigeenka Guddiga Mudane: Sayid Cali oo xusay in ujeedka Guddigu u yimid una marayo dalka oo dhan uu yahay sidii ay u heli lahaayeen talo wanaagsan oo ay isku raacsan yihiin dad weynaha Soomaaliyeed isla mar ahaantaana isla meel dhigaan xalka looga gudbi karo caqabadaha ka hor imaanka kara hirgalinta doorashada qof iyo cod ee sanadka 2020.