Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Korjoogteynta Doorashadda Hirshabeelle

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee loo idmaday kuwaasoo ku xusan qodobka 111G ee dastuurka sida ku meelgaarka ah loo ansixiyay iyo weliba Qodobka 14aad ee sharciga Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, islamarkaana xoojinaya xiriirka iyo wadashaqeynta uu la leeyahay dowlad-goboleedyada dalka ka hana qaaday, kana jawaabaya martiqaadkii uu ka helay Madaxweynihii ku meelgaarka ahaa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle taariikhdu markay ahayd 6dii septembar 2017ka, wuxuu Guddigu ku tagay booqasho xarunta maamulka hirshabeelle magaalada Jowhar 15-kii Sebtembar 2017ka.

Ujeeddooyinka Booqashada

  1. Xoojinta iyo kor u qaadida xiriirka iyo wadashaqeynta Guddiga iyo maamulka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee haatan xilka haya.
  2. Korjoogtaynta doorashada madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle taasoo ay qabanayeen Guddi xildhibaanno ah oo Baarlamaanka Hirshabeelle iska soo dhex xulay.
  3. Kor u qaadidda iyo muujinta codka iyo Guddiga iyo dowrkiisa shaqo dhanka hawlaha doorashooyinka ee Gobollada.

Hawlihii Xubnaha Guddiga u Qabsoomay

Xubnihii Guddigu intii ay ku sugnaayeen Jowhar waxay qabteen Hawlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Waxay xubnuhu la kulmeen Madaxweynaha ku meel gaarka ah, Guddoonka baarlamaanka iyo dhammaan wasiiradii ka yimid dowladda dhexe kuwaasoo dhammaantood adkeeyay doorka Guddiga ee kormeerka doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.
  2. Korjoogteynta doorashada Madaxweynaha iyagoo Guddigu si dhow ula socdeen dhammaan hawlaha doorashada, waxaana Guddiga u suurtagalay inay akhriyaan qoraalka habraaca ayna hubiyaan daahfurnaanta doorashada inta lagu jiro hoolka doorashada.
  3. Guddigu wuxuu ka bartay doorashadaan ahmiyadda ay leedahay wacyi gelinta codbixiyayaashu iyadoo ay xubnuhu dareemeen in Guddigii u xilsaarnaa doorashadu uusan ku bixin waqti ku filan wacyigelinta iyo tusaaleynta xildhibaannada taasoo keentay in wareeggii hore ay khasaaraan 18 xubnood waraaqahoodii xodbixintu. Waxaa kale oo uu Guddigu dareemay ahmiyadda arrimaha Logistikada iyo sahaydu ay u leeyihiin doorashada iyadoo ay ka tagtay korontadii hoolkii ay ka socotay doorashadu taasoo dhalisay jahawareer iyo buuq.
  4. Markii ay doorashadu dhamaatay waa Guddiga la siiyay kalimad ku aaddan aragtidiisa doorashada iyo habka ay u dhacday, waxayna xubnaha Guddigu u hambalyeeyeen madaxweynihii la doortay iyo dhammaan baarlamaanka iyo shacabka Hirshabeelle tallaabada horumarka leh ee ay u qaadeen dhanka dimuqraaddiyadda waxayna u rajeeyeen in doorashadaan tan xigta ay noqoto mid halqof iyo hal cod ah.

[/fusion_text][/fusion_builder_column][/fusion_builder_row][/fusion_builder_container]

Qor Faallo ama Jawaab

Your email address will not be published. Required fields are marked *