Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka

 

 ayaa maanta oo ku began Jan 20kii, 2018 ku daahfuray deegaannada Puntland kulammadii wadatashi ee Guddigu ka waday degmooyinka dalka qaybo ka mid ah. Kulanka oo lagu daahfuray magaalada madaxda Garowe ee Puntland, Xarunta PDRC ayaa waxaa ka soo qayb galay:
1. Madaxweyne Kuxigeenka Dowlada Goboleedka Puntland
2. Wasiir Kuxigeenka Wasarada Dastuurka
3. Agaasimaha Guud ee PRDC
4. G/kuxigeen TPEC
5. Gudoomiyaha Ururka haween weynaha Puntland
6. Xubno kamid ah Hay’ada IESG
7. Ardayda Jaamacadaha
8. Ururada Bulshada qaybaheeda kala duwan
Kulanka ayaa waxaa khudbado kooban kasoo jeediyay Madaxda kor ku xusan kuwaas oo s[iphorm id=”1″ name=”registerpp”]i wada jir ah u xaqiijiyay in ay muhiim tahay howsha uu Guddigu uu ka wado degmooyinka dalka. Waxa ayna mas’uuliyiintu dhamman ku dhiirigaliyeen Guddiga ugana mahadceliyeen Goobaha ay gaareen oo ay ummada soomaaliyeed kunool yihiin, kuwaas oo ay xaqtahay in latashi aayahooda ku aadan lala sameeyo. Waxayna madaxku ballan qaadeen in ay diyaar in wixii talo iyo tusaale ah aan idin la wadaagno.
Intaas kadib waxaa faahfaahin kooban shirka ka jeediyay G/Kuxigeenka Guddiga Mudane Sayid Cali Shiikh Maxamed oo xusay in ay u yimaadeen wadatashi lagu qabanayo magaalooyinka waawayn ee Puntland. Guddigu wuxuu kulamo la yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, Madaxda Dawladda, xildhibaanada, haweenka , ganacsatada, dhalinyarada, Odoyaasha dhaqanka ah iyo culumaudiinka.
Kulamadan wadatashi oo lagu ururinayo aragtida dadwaynaha ayaa la horgeyn doonaa kulanka madaxda qaranka ee Feb 2018.

[/fusion_text][/fusion_builder_column][/fusion_builder_row][/fusion_builder_container]