Booqashadii wafdiga Guddiga Madaxabannaan ee Doorahsooynka Qaranka ee uu ku  yimid magaalada Buuloburde

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo gaarey magaalada Buulaburde ee Gobalka Hiiraan 3-1-2018 halkaasoo uu ka bilaabi rabo wadatashiyo dadweyne ee geedi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee 2020.
waxaa wafdigaas hugaaminayaayey guddoomiye ku xigeenka guddiga m/ne: sayid cali Sheikh Maxamed, xubno ka tirsan guddiga iyo howlwadeenada. waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaaladaas dhammaan maamumlka degmada ee uu horkacayo guddoomiyaha degmada m/ne: cabdidaahir guure. wafdiga ayaa saxaafadda kula hadlay garoonka una faahfaahiyey ujeedada socdaalkooda .
wafdiga wuxuu kulan gaar ah la yeeshay maamulka dagmada asagoo u sharaxay nuxurka wadatashiga ay ugu socdaan magaalada wuxuuna hordhigay jadwalkooda shaqo ee maalmaha ay ku sugan yihiin halkaasi. kulankaas gaarka ah ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo wadashaqeyn.
waxaa isla galabtii ka hirgalay kulan aad u baallaaran oo lala yeeshay haweenka magaalada buuloburde kuwaasoo aad u soo buuxdhaafiyey hoolka uu ka dhacayey shirka. waxaa si habsami leh u daahfuray wadatashiga guddoomiyaha degmada mudane guure.
haweenka magaalada ayaa aad u soo dhaweeyey wafdiga gmdq uu ku soo gaaray magaalada buuloburde iyadoo la ogyahay in magaalada ay go’doon in muddo ah ku jirtay aysanna u imaanin madax ka socota dowladda federaalka soomaaliya.
dadweynaha magaalada ayaa rajo weyn ka muujiyey qabsoomidda doorashooyinka qof iyo cod ee sanadka 2020 maadaama guddiga ku soo dhiiraday in uu yimaado magaalo go’doon ku jirta waxayna aad u rajeeyeen in ay tani noqon doonto billow fiican oo dowladda federaalka ku timaaddo magaalada buuloburde waxna ay kala qabato xaaladda cakiran ee ay ku sugan yihiin dadka deegaankaasi.
waxaa weli magaalada ka sii socda kulamada lala yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaash, cuqaasha, dhalinyarada iyo siyaasiyiinta kuwaasoo arigtidooda ku biiran doona geedi-socodka doorashooyinka 2020.
wadatashiyadan ayaa si baahsan uga socda dhammaan dalka taasoo guddiga u qorsheeyey in dowlad goboleed kasto laga tago afar goo boo lagu xaqiijin karo codka maamulkaas i iyo arigtidooda ku aaddan caqabadaha ka hor imaan kara doorashooyinka iyo sida looga gudbi karo caqabadahaasi.

2018-01-04T09:44:45+00:00 January 4th, 2018|Warbixinno|