Sabti – Khamiis: 8:00am – 3:00pm | Jimcaha: Fasax
General +252 613611116   contact@niec.so | WhatsApp +252 613611116  

Booqashadii Jaamacadaha Boosaaso

Afar jaamacadood uu ku yaalla magaalada Boosaaso ayaa waxa ay nasiib u yeesheen in ay booqdaan wafdigii ka socday GMDQ ee ku sugnaa magaalada Boosaaso maalmihii la soo dhaafay. Jaamacadaha uu guddigu booqday waxay kala ahaayeen; Boosaaso, Bariga Afrika, Badda Cas iyo Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka. U jeeddada booqashooyinka jaamacadaha waxaa faahfaahin ka bixiyay guddoomiye ku xigeenka GMDQ mudane SaydCali Sheekh Maxamad. Waxa uu jaamacadaha maamulkooda uu la kulmay uu la wadaagay, howlaha guud ee guddiga, safarradii wadatashiyada ee guddigu ku kala bixiyay gobollada dalka, qorshooyinka guddiga iyo sida hay’adaha waxbarashada iyo GMDQ ay isaga kaashan karaan wax-barashada doorashooyinka iyo wacyi gelinta dadweynaha.
Maamulada jaamacadaha uu guddiga booqday waxa ay aad u soo dhoweeyeen ugana mahad celiyeen booqashada guddiga. Waxa ay dhammaantood sheegeen in ay guddiga kala shaqeyn doonaan howlaha doorashooyinka ayna qaadan doonaan doorkooda.
Mawduucyadii sida khaaska ah wafdiga guddigu uu kala hadlay jaamacadaha waxaa ka mid ahaa:
• Cilmi baaris lagu sameeyo fikradaha iyo aragtida dadweynaha ee la xiriirta doorashooyinka.
• Wacyi gelinta dadweynaha
• Diyaarinta manhajka doorashooyinka
• In ay muhiim tahay in jaamacaduhu dib u eegis ku sameeyaan manhajyadooda si loo soo saaro arday waddaniyiin ah oo dadka iyo dalka badbaadiya.
• Doorka hay’adaha waxbarashadu ay ka qaadan karaan hirgelinta qorshaha istaraatiijiyadeed ee guddiga.
Ugu danbeyntii guddoomiye ku xigeenka guddigu waxa uu maamulka jaamacada uu booqday uu ku wareejiyay nuqullo ka mid dukumiintiyada shaqada ee guddiga sida buugga qorshaha istaraatijiyada guddiga iyo qaamuuska erey bixinta doorashooyinka.